“Doorashadii Puntland waa la Musuq maasuqay” Wareysi Siyaasi Giir

Garowe (Puntland Post):-Cali Ismaaciil Giir Cali Ismaaciil Giir oo ka mid ah Siyaasiinta Caanka oo looga guulaystay Tartankii GAROWE lagu doortay 11 Xildhibaan oo ka mid noqonaya aqalka sarre ee dalka Soomaaliya ayaa uga hadlay markii ugu horeysay aragtida uu ka qabo doorashadaas Wareysi XASAASI ah oo lagula yeeshay Barnaamijka DAREENKA DHIIRANE oo PUNTLAND POST maalin walba oo JIMCO ah kala socon doontaan .

Siyaasi Giir oo si caro leh uga jawaabay qaabka lagu doortay Xildhibaanada Aqalka Sarre iyo Tartankii looga guulaystay ayaa sheegey inuu hareeyay musuq maasuq Puntland mooyee aan meel kale ka dhicin ,wuxuuna eedeyn iyo dhaleecayn xoog leh dusha uga tuuray Madaxda sarre iyo Baarlamanka Puntland

Cali Ismaaciil Giir ayaa ku eedeeyay musharaxii kursiga beesha Leelkase kula tartamay Farxaan Cali Xuseen oo 36 cod uga guulaystay Siyaasi Giir oo helay 29 cod inay qaraabo dhow yihiin Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Isagoona sidoo kale ku eedeeyay Xildhibaano uu ka mid yahay Farxaan Cali Xuseen inay u adeegsadeen helida kursiga Aqalka Sarre bixinta lacago laaluusha iyo hab musuq maasuq ah.

Daawo Wareysi xiiso badan oo Wariye Dhiirane uu la yeeshay Siyaasi Cali Ismaaciil Giir.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST