Shirkadda NUWACO oo ceel-biyood ka hirgalisay Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal

Garowe (Puntland Post):- Hay’adda Biyaha, Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Puntland (PSAWEN) ayaa deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal markii ugu horeysay ka hirgalisay Ceelbiyood loogu talo galay inay dadka deegaanka iyo duunyaduba ka helaan biyo.

Ceelbiyoodkaan oo ay hay’addu u wakiilatay qodidiisa iyo dhameystirkiisa shirkada biyaha ee NUWACO ayaa maalintii shalay si rasmi ah xariga looga jaray, iyadoo ceelkaasna lagu wareejiyay maamulka iyo bulshada deegaamka Jalam.

Maareeye ku xigeenka shirkada NUWACO Cabdi Ibraahim ayaa sheegay ceelkaan inay muddo bil iyo badh ah ku hiraliyeen, sidoo kalena ay biyihiisu yihiin kuwo durdur ah. Waxaa kale oo uu sheegay inay shirkada NUWCO masuuliyad xoogan iska saartay in ceelkaas uu noqdo mid mustaqbalka dhow iyo midka fogba lagu najaxo.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Hay,adda PSAWEN Xirsi Xasan Nadiif ayaa u mahad celiyay hay’adda Islamic Relief oo ku deeqday mashruuca lagu dhisay ceelbiyoodkaan iyo kuwo kale oo badan oo sanadkaan laga qoday deegaano badan oo Oomane ahaa.

Xirsi ayaa ugu baaqay dadka deegaanka Jalam inay ilaalsadaan Ceelkaan loo hirgaliyay ayna ogaadaan inuu yahay hantidooda. Waxaana intaas kadib hadlay gudoomiyaha Jalam oo ka mahad celiyay hirgelinta Ceelkaan isagoo sheegay inuu kusoo beegmay waqti adag oo dadka iyo duunyadu ku jireen biyo la’aan xoogan, sidoo kalena uu deegaanku u baahnaa inuu helo Ilbiyood looga baxo biyo la’aantu abaartu sababtay.

dsc0279Intaas kadib, hay’adda PSAWEN iyo shirkada biyaha NUWACO ayaa u dhaqaaqay tuulada Xaarxaar ee hoostagta degnada Burtinle ee gobolka Nugaal, halkaas  oo sidoo kale laga dhagax dhigay ceelbiyoodkii ugu horeeyay taariikhda markii ugu horeysay.

Waxaa masuuliyiinta halkaas kusoo dhoweeyay xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle oo kamid ah xidlhibaanada barlamaanka dowladda Puntland ee kasoo jeeda deegaanka Xaarxaar oo ay wehliyeen waxgaradka deegaanka kiyo mushariixin aqalka hoose u sharaxan, kuwaas martiqaad u sameeyay madaxda PSAWEN iyo NUWACO, waxaana kadib loo dhaqaaqay goobta ceelka laga dhagax dhigayay.

Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle oo ka hadlay madasha dhagax dhiga Ceelka Xaarxaar ayaa si weyn ugu mahad celiyay madaxweynaha dowladda Puntland, hay’adda PSAWEN iyo Islamic Relief oo aqbalay codsigoodii ku aadanaa in deegaankaan Ceelbiyood laga hirgaliyo si bulshada ku dhaqan uga baxaan dhibaatadii ka haysatay xaga biyaha oo ahayd baahida ugu weyn ee deegaanka ka jirtay.

Xildhibaanku wuxuu sheegay deegaankaan oo 30 sano jira inuu waligiis ahaa deegaan oomane ah oo dadkiisu baahiweyn u qabeen inay biyo helaan, si ay uga bxaan abaarta marwalba kusoo noqonoqta, wuxuuna shirkada NUWACO kula dardaarmay inay masuuliyad iska saaraan sidii Ceelkaan unoqon lahaa mid bulshadu ku qanacdo.

dsc0283Maareeye ku xigeenka NUWACO Cabdi Ibraahim ayaa u balanqaaday bulshada reer Xaarxaar inay waxba ka hagrandoonin oo ay sida ugu wanaagsan uguna dhaqsiyaha badan u hirgelindoonaan Ceelbiyoodkaan, wuxuuna intaas ku daray inay sirkadu aqoon buuxda iyo waayo aragnimo dheer uleedahay qodida Ceelasha, wuxuuna dadka deegaanka ugu baaqay inaysan marnaba ka welwelin habka loo qadayo Ceelkaan.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Hay,adda PSAWEN Xirsi Xasan Nadiif ayaa goobta ka hadlay, wuxuuna ceelkaan inuu qeyb ka yahay  inka badan 30 Ceelalah oo sanad kaliya hay’addu ka hirgelisay Puntland, taasoo qeyb ka ah balanqaadkii madaxweynaha Puntland ee ku saabsanaa horumarinta adeega biyaha.

Agaaime Xirsi wuxuu sheegay in mustaqbalka dhow laga bixidoono ku tiirsanaanta biyaha cirka laga sugo maadaama aan marwalba la isku halayn Karin biyaha cirka ka yimaada, loona baahan yahay in biyaha dhulka hoostiisa ku jira lalasoo baxo, wuxuuna balanqaaday inay deegaan kasta oo Puntland kuyaala usameyndoonaan Ceelbiyood.

Ugu dambayn, waxaa madasha ka hadlay oo soo dhoweeyay qaar kamid ah waxaradka degaanka iyo musharixiinta aqalka hoose, kuwaas oo balanqaaday inay taageeradooda ku bixindoonaan sidii Ceelkaan uguulaysan lahaa.

Daawo sawiradda.

dsc0279 dsc0280 dsc0282 dsc0283 dsc0285 dsc0287 dsc0293 dsc0295 dsc0300 dsc0315 dsc0356 dsc0358 dsc0359 dsc0360 dsc0377 dsc0380 dsc0402 dsc0406 dsc0407 dsc0409 dsc0410Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST