Wasiirka Caafimaadka Puntland oo daahfuray shir dib loogu eegayo qorshayaal

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta furay shir balaaran oo Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’addaha la shaqeeya ay dib u eegis ugu sameynayaan qorshayaashii la degsaday sanadkan 2016, Waxyalaaha la qabtay iyo Kuwa aan qabsoomin.

Dr, Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay shirkan oo labo maalin socon doona in la isku  weydiin doono cid walba wixii u qabsoomay iyo qorshihii ay degsatay ee ku saabsanaa xaga caafimaadka, Qorshayaashii horey loo dajiyay sanadkii hore ee 2015.

Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa sheegay in shirkaan looga doodi doono qorshaha soo socda ee sanadka 2017 sida uu noqon doono iyo talaabooyinka loo baahan yahay in la qaado.

Daawo Sawiradda.

dsc0239 dsc0240 dsc0241 dsc0242 dsc0243 dsc0245 dsc0246 dsc0247 dsc0248 dsc0250 dsc0251 dsc0252 dsc0253 dsc0254 dsc0255 dsc0256 dsc0257 dsc0258 dsc0260 dsc0261 dsc0262 dsc0263 dsc0264 dsc0265 dsc0266 dsc0267 dsc0268 dsc0269 dsc0270 dsc0272 dsc0273Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST