Saldhig Boolis oo Loogu Talagalay Dadka Barakacayaasha ah oo laga dhagax-dhigay bariga Bosaso

BOSASO(Puntland Post):-Waxaa maanta laga dhagax dhigay bariga magaalada Boosaaso saldhig boolis ,kaasoo qeyb ka noqon doona ilaalinta nabadgelyada xeryahan.

Saldhiga Boolis ayaa dhaqaalaha ku baxaya ,waxaa bixisay Hay’adda King Salman Foundation halka ay dhulkana bixisay dolwadda hoose .iyadoona ay fulineyso Hay’adda IOM.

Dhagax-dhiga Saldhigan Boolis ayaa ,waxaa ka qeybgalay Maamulka gobolka kan degmada Boosaaso,Taliska Booliska gobolka,Saraakii ka kala socotay Hay’adaha King Salmaan Foundation iyo IOM.

Duqa degmada Boosaaso Eng Yaasiin Mise Maxamuud oo ka hadlay dhagax dhiga saldhigan ayaa uga mahadceliyey hay’adda King Salmaan Foundation iyo hay’adda IOM oo fulineysa dhismaha mashruuca saldhiga.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay iney ballan qaadayaan in saldhigan ay ku ilaalin doonaan amniga dadkan ,sharaftooda iyo kala dambeyntooda.

Madaxa Mashaariicda IOM Heidi iyo Sarkaal ka socday King Salman Foundation ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in dhismaha saldhigan si weyn uga faa’ideysan doonaan dadka deegaanka iyo dadka kasoo qaxay dalka Yemen.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) ayaa ugu dambeyn si weyn uga mahadceliyey dhismaha saldhigan ,wuxuu sheegay in waqtigii loo baahnaa la dhagax-dhigay,wuxuuna u mahadceliyey IOM iyo King Salman Foundation.

Wafdigan ayaa kaddib booqday xerada ay ku dhaqan yihiin qoysaska ka soo barkacay dagaalada dalka Yaman  waxayna warbixino noloshooda ah ka dhageysteen dadkaas.

41

53

394038424344485155575859354647

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST

XAFIISKA BOOSAASO