Michael Keating oo soo Gaaray Boosaaso

BOSASO(Puntland Post): Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating  ayaa  goordhawad  soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Michael Keating ayaa waxa uu la kulmi doona Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo isaguna ku sugan Boosaso.

Socdaalka Ergaygan iyo wafdiga la socda ayaa ku soo beegmaya xili ay Soomaaliya ku jirto marxalad kala guur ah sidaas oo kalena ay dagaalo ka socdaan magaalada Gaalkacyo.

Puntland Post Xafiiskiisa Boosaaso sida uu warka ku helayo waxa lagu wadaa in Keating uu madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu kala hadli doona  dagaalada markale ka qarxay magaalada Gaalkacyo sidii loo xalin lahaa  iyo dar dar galinta doorashooyinka soomaliya.

Faah Faahinta lasoco  insha Alaah Puntland Post.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST