Wasaaradda Haweenka Puntland oo shir balaaran maanta ku qabatay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowlada Puntland ayaa maanta u qabatay Haweenka u sharaxan aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya iyo Kuwa ku guulaystay Xildhibaanada Aqalka Sarre Puntland u matali doona baarlamanka  kulan lagu soo dhaweynayo , waxaana kazoo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Wasiiro,Haweenka Xildhibaanada ee Aqalka Sarre , Kuwa musharaxiinta ee u tartami doona Aqalka hoose,Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Puntland, Odoyaal dhaqmeed iyo Marti sharaf kale.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa faahfaahisay ujeedada kulankaan waxayna sheegtay inuu qeyb ka yahay Kulamo lagu xaqiijinayo in haweenku ay heleen qoondadii %30 ee kuraasta Baarlamanka Soomaaliya.

Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa si adag ugula dardaarantay in Odoyaasha dhaqanku tixgaliyaan kaalinta haweenku ku leeyihiin hogaaminta dalka iyo ka qeybgalka Arrimaha Siyaasadda.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland Howard Bell oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay kulankaan ayaa sheegay in Puntland ay hogaaminayso doorashooyinka Aqalka sarre iyo Kan Hoose ee dalka Soomaaliya, Islamarkaana uu rajeynayo inay door muuqda haweenku ku yeeshaan kuraasta labada aqal.

Waxa uu sheegay Mr Howard Bell inuu soo gaari doono Puntland galabnimada isniinta soo socota Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Isagoona kula kulmi doono Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas magaalada Bosaso, Islamarkaana arrimaha ugu waaweyn ee uu kala hadli doono ay qeyb ka yihiin xaqiijinta Qoondada haweenku ku leeyihiin kuraasta baarlamanka.

Dhinaca kale waxaa kulanka ka hadlay qeybo ka socday Haweenka ku guulaystay Xildhibaanimada Aqalka Sarre, Kuwa u sharaxan kuraasta Aqalka Hoose, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland iyo Odoyaasha dhaqanka, waxayna dhamaantood si isku mid ah isugu raaceen inaan haweenka la duudsiin Karin xaqa ay ku leeyihiin dalka.

Ugu danbeyntiina waxaa soo xiray kulankaan Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo sheegay in Xukuumadiisu door muuqda iyo kaalin mug leh ka ciyaareyso xaqiijinta kuraasta haweenku ku leeyihiin Xildhibaanada ka imaanaya Puntland ee Aqalka Sarre iyo Kan Hooseba.

Daawo Sawwirada.

img_3597 img_3598 img_3601 img_3602 img_3619 img_3667 img_3669 img_3670 img_3676 img_3677 img_3678 img_3685 img_3686 img_3688 img_3689 img_3690 img_3691 img_3692 img_3693 img_3695 img_3697 img_3698 img_3699 img_3700 img_3703 img_3705 img_3706 img_3707 img_3708 img_3709 img_3710 img_3712 img_3713 img_3714 img_3715 img_3717 img_3719 img_3720 img_3722 img_3723 img_3724 img_3730 img_3754 img_3756 img_3782 img_3787 img_3788 img_3800 img_3808 img_3820 img_3822 img_3825 img_3826 img_3827 img_3828 img_3829 img_3597 img_3601Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST