Puntland oo ka hadashay dagaalkii maanta Gaalkacyo

Garowe(Puntland Post):- Shir jaraa,iid oo uu maanta ku qabtay magaalada Garowe Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdulaahi Jaamac (Quraan-jecel) waxa uu kaga hadlay dagaal maanta Gaalkacyo ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Afhayeenka Puntland Quraanjecel ayaa ku eedeeyay dagaalka maamulka Galmudug oo uu sheegey inay jabiyeen heshiis ay dhawaan ku wada gaareen Madaxweynayaasha labada dhinac dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, Wuxuuna sheegay inuu ahaa weerarkii 14aad oo Galmudug kusoo qaado Puntland.

Quraanjecel ayaa sheegay inay dib ugu soo bandhigi doonaan  saxaafadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta, Isagoona hoosta ka xariiqay inay guulo la taaban karo ka gaareen ciidamada Puntland.

Dagaalka maanta ka dhacay Gaalkacyo ayaa sida wararku sheegayaan sababay khasaare baaxad leh oo labada dhinac dhimashadoodu gaareyso ku dhawaad 40 , halka dhaawacuna intaas ka badan yahay, waxaana la rumaysan yahay inuu ka duwanaa dagaalka maanta kuwii horey ugu dhex maray Gaalkacyo Puntland iyo Galmudug marka loo eego baaxadda khasaarihii ka dhashay.

Daawo Shirka Jaraa,iid ee Afhayeenka Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST