Donald Trump oo lagala cararay goob uu taageerayaashiisa kala hadlaayey

Murashaxa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa nabadsugidu kala carartay goob uu khudbad ka jeedinaayey oo ku taal magaalada Reno ee gobolka Navada, waxayna arintaasi dhacday markii Mr Trump uu ka shakiyey nin fadhiyey goobta uu khudbada ka jeedinaayey.

Mr Trump ayaa isagoo khudbada wada hadalkii joojiyey una eegay mid kamida dadkii goobta fadhiyey si shaki ku jiro waxayna taasi dhalisay in Murashaxa goobta lagala cararo.

Donald Trump oo mar dambe kusoo laabtay goobta uu khudbada ka jeedinaayey ayaa u mahaadcelinaayey nabad sugida oo si wanaagsan  amaankiisa u ilaalisay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka uu ka shakiyey Trump uu haystay bistoodlad, wuxuuna warfinaayey boor ay ku qoran tahay Jamhuuriyiinta diidan Trump, walow nabad sugidu xaqiijisay in ninkaas iyo goobta toona aan qori laga helin.

Puntland Post