Xildhibaano ha Tirsan Barlamaanka Puntland oo Booqday xarumo Muhiim ah oo ku Yaala Bosaso

Wafti  Xildhibaano ah  oo uu hogaaminayey  Gudoomiye kuxigeenka Xuquuqul Insaanka Puntland Nuuradiin Cabdirishiid Cali sharmaake oo kusugan magaalada Boosaaso.

Wafdigan ayaa  booqday xarumo kala duwan oo ay ka mid tahay  Xabsiga weyn ee Boosaaso, Xarunta looga arimiyo maamulka gobalka Bari ,Taliska qebta Booliska, Saldhiga bartamaha iyo xarunta wasaaradda haweenka ee magaalada Boosaaso.

Ujeedka kormeerkooda ayaa ahaa sidii ay wax uga ogaan lahaayen xalada ka jira gobalka guud ahaan Bari.

Gudoomiye kuxigeenka  Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Puntland Nuuradiin Cabdirishiid Cali Sharmarke ayaa Saaxaafada la hadalay markii uu soo dhamaaday kormeerku, wuxuuna ka warbixiyey ujeedka socdaalkooda.

Hoos ka Daawo muuqaal warbixinta  

42

3740

3936454438433546

CABDIQANI BOOS

PUNTLANDPOST

BOOSAASO