Garowe:- Cabashada Musuq maasuqa doorashada Aqalka Hoose Daawo

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta oo sabti ah ka bilowday magaalada Garowe Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Puntland u matali doona Baarlamanka Soomaaliya, Waxaana bar bar socota cabasho si xad dhaaf ah uga soo yeeraysa Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Dhaqanka Sida Nabadoonadda,Cuqaasha, Siyaasiinta iyo Haweenka ka dib markii ay ku tilmaameen in la afduubay hanaankii doorashada aqalka hoose loogu tala-galay.

Sacadihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray magaalada Garowe dhaq dhaqaaqyo Shacabka, Qaar ka mid ah Siyaasiinta, Nabadoonadda, iyo Cuqaasha beeluhu ay ku diidan yihiin nidaamka loo maamulayo Doorashada Aqalka Hoose kuwaas oo soo bandhigaya Eedeymo, Dibad-baxyo, iyo Falal lid ku ah Amniga Caasimadda Puntland .

Daawo Shacab banaan baxaya Garowe balse ay kala eryeen ciidamo ka tirsan laamaha amniga.

Qaar ka mid ah shacabka Garowe oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa ku fasiray heerka fara-galinta doorashada aqalka hoose ee Puntland inay sababtay falal la yaab leh oo saacadihii lasoo dhaafey ay ku kaceen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Gaas ka dib markii uu gacantiisa ku dhaawac u geystay Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland mid ka mid ah Ergeda beelaha oo sida la sheegey uu soo kala dhex galay muran la xiriira shaqsi uu u dooranayo Xildhibaanka aqalka hoose .

Daawo qof ka hadlaya Amuurtaas.

Doorashada Aqalka hoose ee Puntland ayaa leh waji ka duwan sida tii ay ku doorteen baarlamanka Puntland Xubnaha aqalka sarre u matalaya Puntland baarlamanka Soomaaliya, waxaana sida muuqata dad badan aysan ku qanacsanayn hanaanka Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland u xulayaan Ergooyinka iyo Musharaxiinta loo ogolaaday inay ka qeyb galaan Doorashada

Cabashada ugu badan ee ka soo yeeraysa shacabka,qeybaha kala duwan ee Odoyaasha dhaqanka iyo Siyaasiinta ayaa salka ku haysa Fara-galin iyo Musuq maasuq hareeyay nidaamkii horey loogu rajo weynaa in isbedel ka duwan qaababkii horre Soomaaliya ay u horseedi doonto Doorashada 2016 .

Daawo Odoyaasha beelaha

Dhinaca kale waxaa si aad ah loo adkeeyay amniga magaalada Garowe oo loo diyaariyay Ciidamo si weyn u sugaya Amniga goobaha codbixintu ka socoto iyo Hakinta ama ka hortaga dhaq dhaqaaq kasta oo sababi kara banaanbaxyo shacabku kaga soo horjeedo Doorashada lagu dooranayo 37 Xildhibaan oo Puntland u matali doona Baarlamanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST.