64 ka mid ah Ergeda beesha Warsengali oo ka baxay Doorashada Garowe

Garowe (Puntland Post):- Nabadoono,Caaqilo, Musharaxiin iyo 64 ka mid ah Ergeda beesha Warsengali ayaa caawa ku dhawaaqay inay ka baxeen doorashada beri ay ugu codeyn lahaayeen magaalada Garowe musharaxiin u tartamaysa aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ka dib markii ay sheegeen inay u arkeen doorashada mid loo maamulayo  qaab ka baxsan wixii la isku ogaa.

Waxayna sheegeen xubno u hadlay Ergada  in doorashada ay uga baxeen caddaalad darro la sameeyay , Islamarkaana qaabkeedu uu yahay Nin Dooran Doorta , Iyagoona hoosta ka xariiqay in Guddiga Doorashada Dadban uu meesha ka saaray musharaxiin gaaraysa ilaa 5 qof , Islamarkaana uu kasoo reebay 2 qof oo kaliya.

Nabadoono iyo Caaqilada ka hadlay Shirka Jaraa,iid ayaa si gaar ah arrintan ugu eedeeyay Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland, Waxayna sheegeen inay ka dhagaysan waayeen cabashadooda, Islamarkaana ay u dirayaan fariin deg deg ah Dowlada Puntland iyo Beesha Caalamka.

Sidoo kale labo ka mid ah Musharaxiinta loo diiday inay ka mid noqdaan tartamayaasha ayaa sheegay inaysan aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda Doorashada loo balansan yahay inay ka bilaamato magaalo madaxda Puntland ee Garowe, Islamarkaana ay kala soo baxeen inta badan Ergadoodii.

Isku soo wada duuboo doorashada lagu dooranayo 37 Xildhibaan oo Puntland u matali doona Baarlamanka Soomaaliya ayaa durba u muuqaal eg mid cagta saartay dhabihii fashilka.

11 22 441PUNTLAND POST