Nadwo Lagaga Hadlayey abaaraha iyo Colaada ka jirta wadanka oo lagu qabtay BOOSASO

Boosaaso,(Puntland Post):-Waxaa Masjidka Weyn Al- Rowda Boosaso Lagu Qabtay Nadwo Kooban oo aad Muhiim u ah .

Nadawadaa oo ay qayb galeen Qaarka Mid ah Culimada ugu caansan Soomaaliyed ee Ku sugan Gudaha Magaalada Boosaso ayaa Waxaan Lagaga Hadlayey xaaaladaha abaareed iyo colaadeed ee kaJira Wadanka.

Culimadu Waxay Si gaar ah uga Hadleen Colaada ka Taagan Gobolka Mudug Gaar ahaan Gudaha Magalada Gaalkacyo .

Ugu Horreyn Waxaa Nadwada Furay Sheekh Faarax Cajab oo kawarbixiyey xaalada adag ee kajirta wadanka.

Sheikh Axmed Dahir Xasan oo kalmadii ugu horeysay jeediyey ayaa aad ugu dheeraadey xaalada abaaraha ee wadanka ka jirta Waxa uu Faafahin ka Bixiyey Abaarta Ka taagan Gobolada soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Sheekha Waxaa Hadalkisa Ka Mid ahaa” Waxaa Nasoo gaaraysa iney jiraan Dad iyo Duunyo Cidla Looga Tegay ,Xoolihii intii Gaanaha ayaa labiila Waad Ogtihiin intee ayaa Xoola Labiili karaa Waxa Dhacaya Waa Wax Naxdin leh .”

Sheekhu Waxa uu Dadka Allah Wax u Dhiibay Ka Codsaday iney Dadka Tabaalaysan Gacanta aaney ka Laaban oo ay gargaar ufidiyaan .

Sheikh maxamed macalin oo isna kahadlay goobta ayaa ugu baaqay dadka dagaalka kawada qaybo kamid ah soomaaliya gaar ahaan gobolka mudug in ay joojiyo . Allaahna ugu baqaan daadinaya dhiiga muslimka ah ee xaaraamta ah.

Sidoo kale Sheekh Cabdiwaaxid oo Ka Mid ahaa Culimadii Nadwada kalmaadka kasoo jeediyey ayaa Hadaladiisii Waxaa ka Mid ahaa “ Macaasidii ayaa inna Ku Badatay Waxad Ogtihiin Haddii Macaasidu Badato in aan Roob la helayn” .

Sheekh Daahir aw Cabdi oo Ka Mid ah Culimada soomaaliyeed Kuwooda Ugu Caansan ayaa Ugu Damayntii Ummadda Soomaaliyeed Ugu Baaqay iney Joojiyaan Colaadda Sida Joogtada ah Uga Dhacaysa Gudaha Wadanka Gaar ahaan Tan Ka Socota Gaalkcyo.

“ Waxaan Ku Jirnaa Xaalad Adag Waxa Loo Baahan yahay inaan Allaah U toobad Keenno Rabbi inaan u Laabano , Raxmadda Waxaa Sababay iney Gadaal u Dhacdo Dunuubta aan Gelayno Waana layna Intixaamaya “
Sheekhu Waxaa uu Allaah Uga Baryey in Ummadda Soomaliyeed Dhexdooda islaaxiyo Raxmad Deg Deg ahna Siiyo .

Ugu danbayntii Culimada ayaa tilmaatay in gudigii abaaraha ee sanadkii hore lamagacaabay dib uhowl galayaan laguna soo aadinkaro wixii tabarucaad ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha ku tabaaloobay.

Minhaaj.

20161103_184432

20161103_191534

20161103_191738

20161103_191745

20161103_191801

20161103_191808

20161103_192459

img-20161104-wa0004

img-20161104-wa0008

img-20161104-wa0009

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST 

XAFIISKA BOOSASO