Dabley hubaysan oo caawa weerartay Ergooyinka jooga Garowe.

Garowe (Puntland Post):- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya inay caawa weerar ku qaadeen dabley hubaysan mid ka mid ah hotelada ay degan yihiin Ergooyinka la qorsheynayo inay maalinta beri ah ka qeyb galaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST in dabley hubaysan ay caawa rasaas ooda uga qaadeen Hotel ay degan yihiin qaar ka mid ah Ergeyda beelaha ee dooranaysa Xildhibaanada Aqalka hoose Puntland u matali doona Baarlamanka Dowlada Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka tirsan Masuuliyiinta Dowlada oo faahfaahin ka bixisay weerarkan oo wararku sheegayaan inaanu geysan khasaare , balse ah mid lagu khal khal galinayo doorashada la qorsheynayo inay ka bilaamato saacadaha soo socda magaalada Garowe

Wuxuuna kusoo beegmayaa falkani xilli ay muujiyeen qaar badan oo ka mid ah beelaha Puntland cabasho ka dhan ah habka loo soo xulay Ergooyinka iyo Musharaxiinta u tartamaya Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Daawo mid ka mid ah Cabashooyinkii Beelaha.

PUNTLAND POST