Garowe(Puntland Post):- Waxaa hoolka shirarka jaamacadda Puntland State University (PSU) lagu soo bandhigay buug ka hadlaya noocyada musuq-maasuq ee ka jira deegaanada Puntalnd.
Buugaan ka hadlaya noocyada musuq maasuqa ka jira Puntalnd ayaa waxaa soo bandhigtay jaamacadda PSU oo cilmi baaris dheer ka sameynsay arimaha musuq-maasuqa iyo dhibaatada uu ku haya Bulshada qaybaheeda kala duwan .
Musaabada bandhigan buugaan ayaa waxaa soo qayb galay Wasiirka Waxbarashada Puntalnd ,Masuuliyiin kale oo ka socota qaybaha kale ee dawlada,Hay’addo maxali ah,Ururada bulshada,Maamulka sare ee jaamacadda,Ardayda iyo Marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha jaamacadda PSU Maxamud Xamid Maxamed ayaa sheegay in aad u adag tahay in qaarada Africa dal ka mid ah looga hadlo ama cilmi baaris ku saabsan arimaha musuq maasuqa laga sameyo ,balse ay jaamacadda PSU ayaa ku dhiiratay in ay sameyso cilmi baaris looga hadlayo Dhibaatooyinka uu ku hayo bulshada musuq-maasuqu.
Madaxweynaha jaamacadda PSU ayaa sheegay in cilmi baaristaan ay wax badan ay ka badali doonto dhibaatada faraha badan ee kuu shacabka ku hayo musuq maasuqu waxayna daawo u noqonaysa arimaha musuq-maasuqa.
Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyin badan oo iyagu halkaasi ka sheegayna in jaamacadda PSU ay qaaday tilaabo wanaagsan oo loo baahna cid ka hadasha ama cilmi baaris noocaan oo kale ah ka sameyso ,taasina waxay wax badan ka badali karta in la yareeyo arimaha musuq-maasuqa kuwaas oo uu buuga kaga hadlay in dhaman dadka reer Puntland aysameyn weyn ku yeelatay.
Ugu danbeyn waxaa ka halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntalnd Abshir Aw -Jaamac Ciise ayaa sheegay in jaamacadda PSU wax weyn ay qabatay ,wuxuuna sheegay in waxa aduunka ugu weyn ay tahay cilmibaarista .
Wasiirka ayaa sheegay in cilmi baaris kasta oo la sameyo ay meel daawo u tahay isoogana ugu baaqay in jaamacaddaha kale ee dalka ay sameyaan cilmi baarisyo looga hadlayo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.
Halkan ka akhri buuga.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/11/FINAL-Book.pdf
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST