Wasiirka Haweenka Puntland oo kulan la yeelatay madaxda UNOCHA ee Soomaaliya.

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa xafkiiskeeda ku qaabishay wafuud ka socoda Hay,adda UNOCHA , kuwaas oo ay Wasiirku warbixin buuxda ka siisay Xaaladda Abaaraha ka jira deegaanada Puntland iyo Qoysaska ku baracakay coladdaha Gaalkacyo iyo Qandala.

Waxaa ka qeyb galay kulankaan Justin Brady oo ah Madaxa Hay,adda UNOCHA ee Dalka Soomaaliya, Francis oo ah Madaxa Hay,adda UNOCHA ee Puntland, Xubno ka mid ah shaqaalaha UNOCHA.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.

Waxaa kale oo ay kala hadashay Wasiir Aniso Cabdulqadir Muumin masuuliyiinta ka socotay Xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya iyo Puntland sidii ay u xoojin lahaayeen hay,addaha Qaramada Midoobay wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda  Haweenka, Waxayna kula dardaarantay sidii ay UNOCHA kaalin muhiim ah uga ciyaari lahayd xoojinta kaalmada dadka ay saameeyeen abaaraha ka jirta dhulka Puntland.

Sidoo kale Madaxa Hay,adda UNOCHA ee Soomaaliya Justin Brady ayaa ku amaanay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland shaqada ay u hayso dalka iyo dadkaba, iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hay,addaha Qaramada Midoobay.

Waxa uu balanqaaday Justin Brady inay ka wada hadli doonaan Hay,addaha Qaramada Midoobay sidii kaalmo deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

img-20161102-wa0035 img-20161102-wa0036 img-20161102-wa0037 img-20161102-wa0040 img-20161102-wa0041 img-20161102-wa0043 img-20161102-wa0044 img-20161102-wa0045 img-20161102-wa0046 img-20161102-wa0048 img-20161102-wa0049 img-20161102-wa0050Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST