Kooxda Real Madrid ayaa la yaab kala kulantay kooxda Legia Warszawa kulan ka dhacay Stadium Polish Army oo ka tirsanaa heerka guruubada Chempions League-ga, ka dib markii ay galeen barbar-dhac 3-3 ah.
Real Madrid ayaa kooxda Legia Legia Warszawa marti ugu ahayd garoonkeeda oo madhan kadib markii ay kooxda reer Poland ganaax kala kulantay UEFA.
Gareth Bale ayaa rekoodh cusub u dhigay kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu dhaliyay goolkii ugu deg dega badnaa abid ee ay Real Madrid ka dhaliso Champions Leaque-ga, isagoo 57 ilbiriqsi/seconds ku dhaliyay.
Benzema ayaa markiisa Real Madrid u dhaliyay goolka labaad daqiiqadii 35-aad isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0.
Vadis Odjidja-Ofoe ayaa Legia Warszawa u keenay rajada ciyaarta daqiiqadii 40-aad, waxayna qeybta hore ee ciyaartu ku dhamaatay 2-1.
Qeybtii labaad marka leyskugu soo noqday Miroslav Radovi ayaa goolka barbaraha u keenay kooxdiisa Legia Warszawa daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta kana dhigay 2-2.
Thibault Moulin ayaa daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta dhaliya goolka 3-aad ee Legia Warszawa isagoo ciyaarta ka dhigay 3-2, taas oo Real Madriid ku noqotay mucjiso.
Mateo Kovacic ayaa goolka bareejada u keenay kooxda Real Madrid daqiiqadii 85-aad isagoo ciyaarta ka dhigay 3-3 ciyaartuna sidaas ayay ku soo idlaatay.
Isla Group-kan F, kooxda Borussia Dortmund ayaa waxay 1-0 ku garaacday kooxda Sporting CP.
Dortmund ayaa 10 dhibcood ku hogaamanayso
halka kooxda Real Madrid ay leedahay 8 dhibcood.
kooxda 3-aad waa Sporting waxayna leedahay 3 dhibcood.
sidoo kale kooxda Legia ayaa leh 1 dhibic.
Natiijooyinkii kulamadii Xalay ee Chempions League-ga
PUNTLAND POST