Kulan soo dhaweyn ah oo Garowe loogu qabtay Madaxda Rugaha Ganacsiga Soomaaliya

Garowe (Puntland Post):-Maamulka Rugta Ganacsiga Gobolka Nugaal iyo Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa xalay ugu sameeyay magaalada Garowe kulan casho sharaf ah oo masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka,Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Ujeedada kulankaan oo ahayd mid soo dhaweyn iyo is barasho waxaa ka hadlay xubnihii soo qaban qaabiyay oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha rugta ganacsiga Gobolka Nugaal Maxamuud Axmed Faarax (Qawdhan,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac,Gudoomiyaha Shirkada Korontada (NECSOM) C/fataax Maxamed Cabdi , oo si isku mid ah u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay is bartaan, sidoo kalena is xog wareystaan masuuliyiinta ka timid Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Casho sharaftan ayaa loo sameeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka gaar ahaan Arrimaha Dibadda,Maaliyadda,Ganacsiga, iyo Madaxda ugu sareysa Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana ka mid ahaa.

  1. Maxamuud Cabdi Cali Gabayre oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya
  2. Maxamed A. Cabdi (Martello) oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug
  3. Suldaan Bube Aadan Bube oo ah Gudomiyaha Xigeenka Rugta Ganacsiga Koonfur Galbeed
  4. Maxamed Shariif oo ah Wakiilka Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubaland.

Masuuliyiintan ayaa dhamaantood uga mahadceliyey Rugta Ganacsiga Gobolka Nugaal iyo Puntland soo dhaweynta ay kala kulmeen , waxayna sheegeen inay sii joogteyn doonaan kulamada noocaani ah.

14 12 19 13 18 17 16 15 11 10 9 8 7 6 4 3 2 5 1Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST