Shir maanta ugu soo xirmay Garowe rugaha ganacsiga Soomaaliya

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garowe shir laba maalmood u socday madaxda Rugaha Ganacsiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Somaaliya,Waxaana kazoo galay shirkan Xubno ka socda Dowlada Federalka Soomaaliya,Madaxda rugaha ganacsiga maamulada kala ah Puntland,Galmudug,Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Kulankaan oo ahaa mid ay marti galiyeen World Bank,IFC,USIAD iyo Mashruuca Geel ayaa loogu mahadceliyay Dowlada Federalka Soomaaliya,Maamul goboleedyada dalka gaar ahaan Puntland oo marti galisay kulankan.

Gaba-gabadii shirkan ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu taageerayo qodobadii kazoo baxay, waxaana lagu doortay xubno xoghaymo ah oo maamul Goboleedyada u matali doona barnaamijka la yiraahdo PPD-ga , kuwaas oo loo doortay dadka kala ah:-

  1. Maxamed Cabdulaahi Cabdi Rugta Galmudug
  2. Maxamed Maxamuud Cusmaan Rugta Puntland
  3. Maxamed Shariif Xaaji Maxamed Rugta Jubaland
  4. Bube Cabdulle Bube Rugta Koonfur Galbeed
  5. Haashim Ducaale Rugta Ganacsiga Soomaaliyed.

Si gaara waxaa loogu soo jeediyay ujedooyinka mashruuca PPD ,Laguna xusay qodobada kasoo baxay shirkan in Rugaha Gacansigu noqdaan marinka laga soo galayo ganacsiga gaarka ah qaybihiisa kala duwan sida samaynta Ururada Ganacsiga iyo Wixii la mid ah.

img_7802 img_7813 img_7815 img_7823 img_7824 img_7840 img_7872 img_7888 img_7884 img_7826 img_7817 img_7810 img_7808 img_7806 img_7805 img_7804 img_7803 img_7800 img_7799 img_7790 img_7788 img_7787 img_7783 img_7780 img_7776 img_7775 img_7772 img_7771 img_7768 img_7777 img_7767 img_7765 img_7762 img_7811 img_7828 img_7833 img_7843 img_7844 img_7848 img_7853 img_7859 img_7865 img_7871 img_7877 img_7880 img_7889 img_7897 img_7902 img_7904 img_7905 img_7909 img_7912 img_7915 img_7918 img_7922Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST