Madaxweyne Museveni oo albaabada u laabay Jaamacada ugu weyn Uganda

Jaamacada Makerere oo la xiray
Jaamacada Makerere oo la xiray

Kampala(Puntland Post)-War kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Kaguta Museveni ayaa lagu sheegay in la xiray Jaamacada Makerere oo kamida Jaamacadaha ugu faca weyn, uguna caansan QaaradaAfrica ahna Jaamacada kowaad ee Uga weyn Dalka Uganda.

Qoraalka lagu xiray Jaamacada waxaa lagu sheegay in ay Jaamacadu xiran tahay illaa amar dambe, waxayna tani ka dambaysay markii ay shalay isku dhaceen ardayda Jaamacadaas oo mudaharaadayey si gunooyin dheeraada ay Dawladu usiiso macalimiintooda oo maalmihii danbaba ku jiray shaqo joojin ay kaga cabanayaan lacagaha ay qaataan oo yar.

Maanta ayaa Ciidamo tira badan oo Boolis ah lasoo dhoobay afaafka hore iyo wadooyinka gala Jaamacadaas oo ku taal Magaalada Caasimada ah ee Kampala si looga hortago rabshado lagu diidan yahay xiritaanka Jaamacada oo dhaca, sidoo kale waxaa Ciidamo xoogan la dhigay Bartmaha Caasimada.

Jaamacada uu Madaxweyne Museveni xiray waxaa ka qalinjabiyey Madax iyo Dad caan ka noqday Qaarada Afrika iyo aduunkaba waxaana kamida Museveni qudhiisa, Madaxweynaha Ruwanda Mr Paul Kagame, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo weliba Madaxweynayaal kale.

Xiritaanka Jaamacadan ayaa maanta ahayd hadal haynta ugu weyn ee Dalka Uganda, iyadoo Dadweynuhu ay si aada uga caroodeen xiritaanka Jaamacada, waxaana Caasimada Kampala laga cabsi qabaa inay ka dhacaan Mudaharaadyo waaweyn oo lagu diidan yahay go’aanka Madaxweyne Museveni.

Jaamacada Makerere oo kamid ahayd Jaamacadihii ugu horeeyey ee Qaarada Afrika ayaa la asaasay sanadii 1922, xiligaas oo gumaystihii Ingiriisku ka talinaayey Dalkaas.

PUNTLAND POST