Madaxweyne Gaas oo soo Gaaray Bosaso

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa hadda ka soo dagay garoonka diyaaradaha Boosaaso xili uu dhawaan uu safar shaqo ugu maqnaa wadanka isku taga Imaaraatka carabta .

Waxa garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyey maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan ciidamad Puntland, iyo bulshad qaybeeheda kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu ka hadlay arimo badan oo la xiriira hishiiskii dhawaan Magaalada Abu Dhabi ee wadanka isku tag Imaaraatka carabta ay kuwada gaareen Maamulka Galmudug ,Xaalada magaalada Qandala, waxa uu sida oo kale ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Xildhibaan Cismaan Diiriye oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland oo sheegay in lacago fara badan ay Dawlada Fadaralka ah ay Puntland siiso.

GOORDHAW LA SOCO WARBIXIN FAAHFAAHSAN  PUNTLAND POST

CABDIQANI BOOS 

XAFIISKA BOOSASO.