Hay’adda World Vision oo Garowe ku qabatay kulan looga hadlayo caqabadaha ganacsiga iyo sida looga gudbi karo.

Garowe (Puntland Post):- Hay’adda World Vision ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ku qabatay kulan muhiim ah oo looga hadlayay waxbaayaha caqadaha ku ah ganacsiga iyo sidii looga gudbi lahaa. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay madax ka socotay afar wasaaraddood, gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Nugaal, ururada ganacsatada iyo xarumaha xirfadaha gacanta lagu barto.

Axmed Maxamed Faarax (Jokar) oo ah isku xiraha mashruuca xoojinta hab nololeedka wanaagsan oo ay World Vision ka fulinayso gobolka Nugaal, ayaa sheegay ujeedada ka dambeysa isku imaatinka qeybaha bulshada ee ganacsiga iyo dowladda, inay tahay sidii ay uga wada hali lahaayeen in xal wadajir ah laga gaaro cabaqadaha ganacsiga.

Maxamed Aadan oo isna kamid ah World Vision ayaa sheegay barnaamijkaan inay xooga ku saarayaan in guddiyadii ganacsi ay ee dhistay hay’adda World Vision looga taageeri lahaa sidii ay ula jaanqaadi lahaayeen siyaasadaha ganacsi iyo sidoo kale in hay’addu ka qeyb qaadato soo saarida siyaasad ganacsi oo looga gudbayo caqabadaha hor istaagan horumarka ganacsatada.

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil oo kulankaan ka hadlay ayaa soo dhoweeyay isu imaatinkaan hay’adda World isku xilsaartay, isagoo sheegay inuu rajeynayo inay kasoo bixidoonaan natiijo wanaagsan iyo isfaham.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay barnaamijkaan inuu asalkiisu ka yimid tababaradii ganacsiga ku saabsanaa oo hay’adda World Vision ka waday gobolka Nugaal, kuwaaasoo natiijadiisu ay noqotay mid guul ah oo u baahday in dadkii ganacsiga lagu tababaray laga taageero dhinaca siyaasadaha iyo xeerarka ganacsiga ka jira Puntland, si ay ula jaanqaadaan.

Hay’adda World Vision ayaa sheegtay kulankan marka uu dhamaado inay kasoo saaridoonaan warbixin mustaqbalka dhow muhiim u ah soo saarista siyaasad guud oo ganacsiga lagu hago.

Daawo Sawiradda.

img_7566 img_7567 img_7570 img_7574 img_7580 img_7585 img_7590 img_7606 img_7610 img_7612 img_7615 img_7616 img_7617 img_7620 img_7626 img_7632 img_7637 img_7639 img_7641 img_7645 img_7646 img_7647 img_7648 img_7650 img_7653 img_7655 img_7656 img_7661 img_7662 img_7668 img_7669 img_7671 img_7673 img_7674 img_7676 img_7681 img_7687 img_7694Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST