Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland oo shaaciyay Ergooyinka Doorashada

Garowe (Puntland Post):- Guddiga Doorashooyinka dadban ee Puntland ayaa maanta si cad u sheegay inay bilaabmayso diiwaan galinta ergooyinkii Dooran lahaa xubnaha Puntland u matali doona aqalka Hoose ee Baarlamaanak Soomaaliya.

Nabadoon Khaliif Aw Cali Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Puntland waxa uu sheegay in shaqadii Guddiga ee hanaanka doorashooyinku marayso meel wanaagsan todobaadka soo socdana la bilaabi doono Codaynta Xildhibaanada aqalka Hoose.

Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federal ayaa sheegay inay sameeyeen kormeero kala duwan ayna ku qanacsan yihiin shaqada ay wadaan Guddiga doorashooyinka dadban ee Punland .

Mar wax laga waydiiyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Puntland Nabadoon Khaliif Aw cali Go’aamo shalay kasoo baxay Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka oo ku aadanaa 5 beelood oo ay sheegeen in la isku haysto kuraastooda aqalka hoose waxa uu sheegay in xal laga gaaray .

Khaliif Awcali ayaa intaas ku daray in 90% ay soo xaroodeen ergooyinkii dooran lahaa Xildhibaanada Puntland u matali doona Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST