“Daawo” Nabadoonada Nugaal oo ka digay khal-khal ku yimaada Doorashada Baarlamanka

Garowe (Puntland Post):- Kulan maanta ay isugu yimaadeen magaalada Garowe tiro ka badan 15 Nabadoon oo kazoo jeeda Gobolka Nugaal ayaa baaq ugu jeediyay Dowlada Soomaaliya,Dowlada Puntland,Guddiga Doorashooyinka Heer Federal,Beesha Caalamka iyo Issimada inay deg deg wax uga qabtaan cabashooyinka kasoo yeeraya beelaha oo ku aadan doorashada 2016-ka.

Nabadoonadan ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland inaanu dhex dhexaad ka ahayn doorashada aqalka hoose  , Iyagoona sheegay inuu hab khaldan ku wado qaabka soo xulida ergooyinka iyo musharaxiinta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Odoyaashan ayaa afduub ku tilmaamay hanaankii la filayay inay ku qabsoonto doorashada aqalka hoose , waxayna ka digeen xaalad amni daro oo soo wajahda Gobolka haddii aanan la tix galin doorka nabadoonaddu ku lahaayeen soo xulista ergooyinka iyo musharaxiinta Aqalka hoose.

Daawo Muuqaalka Nabadoonadda.

Waxay sheegeen inay taageersan yihiin qoondada haweenka ee %30 , Iyagoona hoosta ka xariiqay in nabadoonada beesha Ciise Maxamuud siiyeen mid ka mid ah kuraasta aqalka hoose ay ku leeyihiin Ambasador Sureer Abshir Muuse, Balse la dhinac maray go,aankooda, islamarkaana ay afduubeen siyaasiin ay sheegeen inay dano gaar ah leeyihiin .

Hadalka Odoyaasha ayaa kusoo beegmaya ka dib markii ay maanta shaaciyeen Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland  in %90 ay soo xeroodeen ergooyinkii dooran lahaa Xildhibaanada Aqalka hoose u matali doona Puntland, Islamarkaana bilaabmayso  doorashadu todobaadkan gudihiisa.

Fiirso sawiradda Nabadoonadda

img_3457 img_3458 img_3459 img_3460 img_3461 img_3462 img_3463 img_3464 img_3465 img_3466 img_3467 img_3468 img_3469 img_3471 img_3472 img_3473 img_3477 img_3480 img_3482 img_3483 img_3484 img_3486 img_3496 img_3497 img_3499 img_3500 img_3501Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST