Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka dalbaday hay,addaha gurmadka abaaraha iyo barakaca

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir culus oo looga arrinsanayo sidii loogu gurman lahaa dadka ku barakacay colaadaha magaalada Galkacyo, Qandala iyo abaaraha.

Shirkan oo uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke waxaa la isugu yeeray hay’adaha ka howlgala deegaanada Puntland oo lagala arrinsanayo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada loogu gurmanayo dadka caawinta u baahan.

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii ay isaga xog wareysan lahaayeen wasaaradda caafimaadka iyo bahwadaagteedu xaaladaha kusoo kordhay dalka iyo sidii cid walba doorkeeda uga qaadan.

“Waxaa loo baahan yahay inay shirkaan kasoo baxaan tilaabooyin ay ku midaysan yihiin bahda caafimaadka, si looga jawaabo saddexda marxaladood ee hadda jira, sida arrinta Gaalkacyo, Qandala iyo abaaraha,” ayuu yiri wasiirka caafimaadku.

Dowladda Puntland ayaa dhowaan deegaanka Burci ee xeebaha gobolka Bari gurmad hordhac ah ku gaarsiisay qaar kamid ah dadkii ka cararay degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Dhagayso codka wasiirka.

20161101_093305 20161101_093313 20161101_093339 20161101_093415Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST