“GAROWE” Beelo la hakiyay in lagu tartamo kuraastooda baarlamanka Somalia

Garowe(Puntland Post):- Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada 2016 ayaa maanta kasoo saaray Garowe go’aan lagu joojinayo diiwaan gelinta ergooyinka doorashada aqalka hoose ee heer Puntland, go’aankaas oo ay u gudbiyeen guddiga doorashada.

Xaaji Abuukar Cismaan Cabdi oo ah Guddoomiyaha Guddiga heer Puntland iyo Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan ) iyo Xaawo Cali jaamac oo xubno ka ah guddiga ayaa sheegay inay  soo gaartay  dacwooyin badankood lid ku ah beelihii ergooyinkooda shalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Heer Puntland.

Sidoo kale Maxamed Faarax Ciise Gaashaan xubin ka ah guddigan ayaa ku amray guddiga doorashada dadban ee heer Puntland “Lama xarayn karo, Lama diiwaan gelin karo, Kaarar looma sameyn karo, Aqoonsi lama siin karo, ilaa iyo inta go’aan kama dambeys ah uu kasoo baxayo guddiga khilaafaadka” ayuu yiri Gaashaan.

Beelaha la joojiyay xaraynta iyo diiwaangalinta Ergooyinkooda waxaa ka mid ah

  1. Beesha Ciise Maxamuud
  2. Beesha Warsengali
  3. Beesha Dashiishle
  4. Beesha Cali Saleebaan
  5. Beesha Madhibaan.

20161101_133006 20161101_133024

Go,aankan kazoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada 2016 ayaa imaanaya ka dib markii ay shalay shaaciyeen Guddiga Doorashadda Dadban ee heer Puntland in 5ta bishan November 2016  la qaban doono doorashadda Aqalka hoose ee Barlamaanka , islamarkaana ay bilaabayaan diwaangalinta iyo xaraynta  Ergooyinka 8 beelood oo dooranaya 12 Xildhibaan oo Puntland u matalaya Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5i2a7786 5i2a7788 5i2a7789 5i2a7791 5i2a7792Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST