Xildhibaan soo bandhigay cadeymo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland

Garowe (Puntland Post):- Xildhibaan ka tirsan Guddiga Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa warbaahinta usoo bandhigay cadeymo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka dib markii uu sheegay inuu ku guul dareystay Madaxweynuhu inuu ka jawaabo  su,aal maalmo ka hor uu ku waydiiyay furitaankii kalfadhiga 38aad ee baarlamanka inay jirto lacag Dowlada Federalka Soomaaliya ay siisay Puntland .

Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane ayaa  sheegay inay Dowlada Federalku siisay Puntland lacag cadadkeedu dhan yahay 7 milyan iyo 750 kun oo dollar taas ooo uu sheegay Xildhibaanku inay qeyb ka ahayd lacag 20 Milyan ah oo mar sii horeysay loo qeybiyay maamulada Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Mudanahan ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa ka codsaday Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya inuu caddeeyo lacagtaan ka dib markii uu sheegay inuu ku inkiray Madaxweynaha Dowlada Puntland, Islamarkaana markii uu waydiiyay uu Madaxweynuhu ka dalbaday Xildhibaan Kulane  inuu horkeeno cadeynteeda Baarlamanka Puntland.

Xildhibaan Cismaan Diiriye Kulane ayaa hoosta ka xariiqay inay kasoo gaartay lacagtani Soomaaliya dalka Sucuudiga, Islamarkaana uu horey u waydiiyay arrimo la xiriira Wasiirka Maaliyadda Dowlada Puntland.

Daawo Xildhibaan Kulane oo ka hadlaya Arrintaas.

img_4064 img_4070 img_4072 img_4074 img_4075 img_4076 img_4081

Ciwaanka hoose ka daawo su,aalihii baarlamanka  iyo Jawaabihii Madaxweynaha Puntland

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST