Daawo Guddiga Doorashada Dadban oo caawa ka jawaabay go,aankii maanta Garowe

Garowe(Puntland Post):-Gudiyada doorshada dadban ee Federalka iyo kan heer Puntland oo caawa shir jaraa,iid kula hadlay magaalada Garowe warfidiyeenka ayaa sheegay  inaanu wax kasoo qaad lahayn amarkii ay  maanta soo saareen Gudiga xalinta khilaafadka ee Puntland u matalaya Xildhibaada Aqalka hoose

Afhayeenka Guud ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Maxamed Keynaan iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Puntland Khaliif Awcali ayaa si wada jir ah u sheegay in dhawaan la dooran doono Xildhibaanada aqalka hoose u matalaya beelaha Soomaaliyeed, Islamarkaana aysan waxba ka jirin go,aankii maanta ay ku sheegeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka kaas oo ahaa in la hakiyay diiwaangalinta ergooyinka iyo musharaxiinta ku tartami lahayd kuraasta ay ku leeyihiin Aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya shan beelood oo u dhashay Puntland

Masuuliyiintan caawa la hadlay warbaahinta ayaa intaas ku daray inay joojin karaan arrimaha la xiriira doorashada Gudiga Doorashada dadban ee heer Federaal oo kaliya,Iyagoona hoosta ka xariiqay inaan waxba iska bedeli doonin qorshihii  Gudiga doorashada dadban ee heer Puntland uu shaaciyay maalintii shalay .

Daawo shirka jaraa,iid ee Caawa

img_7457 img_7474 img_7475 img_7481 img_7488 img_7502 img_7507 img_7510 img_7512 img_7523 img_7534FG:-Sidoo kale ciwaanka hoose ka arag go,aankii maanta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST