Ciidamada Badda Puntland oo dhanka Badda ka duqeeyey kooxda haysata Qandala

Qandala(Puntland Post)-Wararka laga helaayo degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaaya in galabta Ciidamada Badda Puntland ay dhinaca badda Madaafiic kaga garaaceen fariisimaha kooxda haysata Degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Si dhaba looma oga khasaaraha ay madaafiicdaasi u gaysteen kooxdan iyo Dadkii ku sugnaa halkaas walow badi dadkii Magaalada Qandala ay isaga baxeen Magaalada, waxaa xadidan war madax banaan oo laga heli karo fariisimaha ay maanta duqeeyeen Ciidamada Badda Puntland.

Ciidamada Badda Puntland ee lo yaqaan PMPF oo wata Markiib iyo Doonyaha dheereeya iyo weliba Ciidamada NATO ayaa taagan meel aan sidaas uga fogayn xeebta Degmada Qandala, waxayna wararku sheegayaan in Dawlada Puntland ay kooxdan godoominayso si ay isku soo dhibaan balse waxaa suura gala iska horimaad dagaal oo xili walba degaankaas ka qarxa.

Dawlada Puntland waxay si aada u xadiday in la helo qorsheheeda ku aadan Degmada Qandala walow ay wacad ku martay inay cagta marin doonto kooxda ku abtirsata Daacish ee maalinkii 6-aad haysata Magaalada taariikhiga ee Qandala.

Dadkii Magaalada Qandala ayaa ku barakacay tuulooyinka ku dhow iyo Magaalada Bosaaso, waxayna Qandala kamid tahay magaalooyinka Puntland ee Dawlada usoo xareeya dakhli aad u wanaagsan.

PUNTLAND POST