Puntland oo bandhigtay sharci cusub oo lagu dhaqayo hay,addaha caalamiga

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir ku saabsan xoojinta habka wada shaqeynta Dowlada Puntland iyo Hay,addaha Caalamiga , waxaana kazoo qeyb galay shirkan masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga,Madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Hay,adda Musiibooyinka Dabiiciga ee HADMA, Wasaaradda Caafimaadka,Madax ka socota  Hay,addaha UN-ka ee kala ah UNDP,OCHA,Xafiiska isku xirka Hay,addaha Caalamiga ee Soomaaliya ,Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland iyo Wakiilo ka socda Hay,addaha Caalamiga .

Shirkan oo ahaa mid balaaran ayaa lagu soo bandhigay sharci dhawaan ay ansixiyeen Baarlamanka Dowlada Puntland, Kaas oo lagu dhaqi doono Hay,addaha Caalamiga iyo Isku duba ridka Siyaasadda deeqaha caalamiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dr Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in lagu soo bandhigayo  nidaam horumarinta Puntland oo ah (Puntland Development Forum) kaas oo ah hab cusub oo lagu maamulayo deeqaha soo gala dalka, islamarkaana saldhig u noqonaya siyaasada isku dubaridka deeqaha.

Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in Wasaaradiisu u qaabilsan tahay Dowlada Isku xirka hay,addaha caalamiga ah, wuxuuna ka codsaday kazoo qeybgalayaashii shirka inay ka qeyb qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta u dhaxaysa Dowladda iyo Hay,addaha Caalmiga ah.

Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha guud ee Dowlada Puntland oo ka hadlay kulanka ayaa faahfaahin ka bixiyay sharciga cusub, wuxuuna sheegay inuu ka kooban yahay sharcigu waajibaad iyo xuquuq Islamarkaana lagu dhaqi doono Hay,addaha Caalamiga ah, lana yiraahdo magaciisa (NGO Act).

img_7123 img_7134 img_7151 img_7154 img_7156 img_7158 img_7167 img_7168 img_7169 img_7171 img_7172 img_7175 img_7179 img_7180 img_7181 img_7182 img_7183 img_7187 img_7199 img_7204 img_7307 img_7309 img_7311 img_7335 img_7343 img_7346Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST