“GAROWE” Hay,adda UNICEF soo bandhigtay waxqabadka biyaha iyo nadaafadda ee 2016

Garowe (Puntland Post):- Kulan ay iska kaashadeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay,adda UNICEF ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadka Nadaafada iyo Biyaha Puntland ee Hay,adda UNICEF qeybteeda biyaha iyo nadaafadda ee sanadka 2016.

Waxaana kazoo qeyb galay shirkan xubno ka socda dhamaan wasaaradaha dowlada sida Wasaaradda Caafimaadka, Hay,addaha Biyaha u qaabilsan Puntland iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Cawaale oo ka hadlay furitaankii kulankaan ayaa uga mahadceliyay Hay,adda UNICEF waxqabadka 2016 ka samaysay arrimaha nadaafadda iyo biyaha Puntland.

Axmed Cawaale ayaa sidoo kale ugu baaqay Hay,adda UNICEF inay qeyb ka noqoto dadaalada loogu jiro sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Puntland, Iyadoo laga duulayo baaqii Madaxweynaha Puntland iyo Hay,adda HADMA ee ahaa in loo istaago wax ka qabashada abaaraha ka jira dhulka Puntland.

img_7211 img_7212 img_7213 img_7214 img_7222 img_7223 img_7226 img_7227 img_7234 img_7235 img_7237 img_7238 img_7239 img_7242 img_7243 img_7246 img_7247 img_7253 img_7262Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST