WASIIRKA CIYAARAHA PUNTLAND OO BOOQDAY XARUMO ISBOORTI OO LAG HIRGALINAYO BOOSASO

PP-(Boosaso)Wasiirka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Cabdiraxaman Sheekh Axmed oo malmahan ku sugan magaalada Boosaso ayaa waxa uu kulan la qaatay maamulka gobalka Bari.

Kulankan oo  salka ku hayey sidii shaqalaha Ajaanibta ah ee ka hawl gala Gobalka Bari,loo siin lahaa ruqsad ogalaansho islamarkaana   ay kaga hawl galaan Puntland iyo in maamulku kala shaqeeyo  hormarka isboortiga gobalka Wasaarada ciyaaraha Puntland.

Intaas kadib wasiirka iyo isuduwaha gobalka oo ay weheliyaan maamulka hay,adda maxaliga ah ee tadaamun ayaa kormeer iyo booqasho kutegay xarun dhalinyaro oo heer caalami ah lagana  hirgelinayo magaalada Bosaaso.

Intii booqashadu ay socotay ayaa wasiirka iyo madaxda la socotay  waxaa ay warbixino ka dhageysteen maamulka gacanta ku haya dhismaha xaruntan cusub ee Isboortiga kuwaas oo masuuliyiinta u sheegay in howshu soo dhamaatay 70% lana rajeynayo inta harsan in la dhameystiro  dhamaadka sanadkan.

Dhanka kale wasiirka ciyaaraha Puntland ayaa booqday garoonka kubad cagta ee Boosaso oo isana  uu ka socdo dayactir lagu hagaajinayo.

Kormeeradan uu ku kal bixinayo wasiirka wasaarada ciyaaraha Puntland Cabdiraxman Sheekh Axmed ayaa qab ka ah kormeero kala duwan oo uu ku booqday  xarumo Isboorti oo ku yaala Boosaso.

14915360_10154916576044206_2024368824249976098_n14641900_10154916561949206_3105926414264508438_n

14570462_10154916610539206_7195420701004037242_n14601005_10154916551354206_5646516926778594960_n14641900_10154916561949206_3105926414264508438_n14639723_10154916560009206_736980275078867680_n14611108_10154916603499206_9215164694732091782_n 14632865_10154916587119206_6515907317485762519_n  14681858_10154916631354206_8558764267131485510_n 14731374_10154916571664206_4515583865513994000_n14264830_10154916626924206_4008214820562209274_n 14570462_10154916610539206_7195420701004037242_n 14595813_10154916607674206_7540432893769627691_n 14601005_10154916551354206_5646516926778594960_n 14639723_10154916560009206_736980275078867680_n 14641900_10154916561949206_3105926414264508438_n 14724355_10154916583754206_3213754244775878027_n 14731318_10154916569089206_9099210373535708429_n 14907622_10154916568044206_7285503206318961851_n 14915360_10154916576044206_2024368824249976098_n

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST ,,BOOSASO