“Garowe” shir looga hadlayo fulinta sharciga iyo baahinta siyaasadda deegaanka

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay  xarunta Cilmi Baarista Puntland ee magaalada Garowe shir ku saabsan Daadejinta Siyaasadda Deegaanka iyo Fulinta Sharciga Deegaanka Puntland, waxaana kazoo qeyb galay xubno ka socda maamulada degmooyinka, Wasaaradaha kala ah Amniga,Arrimaha Gudaha,Waxbarashada, Deegaanka iyo Hay,adda Care International.

Shirkan oo ay iska kaashadeen qabashadiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland iyo Hay,adda Care International, waxaana diirada lagu saarayay sidii ay gacan uga siin lahaayeen Wasaaradda Deegaanka Hay,addaha Dowlada ee kala ah Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Cadaalada  Baahinta Siyaasadda  iyo Fulinta Sharciga Deegaanka.

Fartuun Cismaan Cali oo ka tirsan Hay,adda Care International ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada kulankan oo hal maalin ah waxayna sheegtay inuu barnaamijkan qeyb ka yahay barnaamij hay,adda Care kala shaqeyso saddex wasaaradood oo kor loogu qaadayo Aqoontooda sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen Wasaaradda Deegaanka fulinta sharciga iyo baahinta siyaasadda deegaanka Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa sheegay inay wasaaradiisu amar ku siinayso maamulada degmooyinka Puntland sidii ay door muhiim ah uga ciyaari lahaayeen ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo fulinta sharciga iyo baahinta siyaasadda deegaanka Puntland.

Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa intaas ku daray inuu door muhiim ah barnaamijkan kusoo kordhin doono wax ka qabashada xaalada deegaanka Islamarkaana dadka loogu tala-galay inay ka qeyb qaataan fulinta barnaamijkan qalab gudoonsiin doono mustaqbalka dhow.

img_6805 img_6811 img_6813 img_6814 img_6819 img_6821 img_6823 img_6826 img_6829 img_6832 img_6834 img_6836 img_6839 img_6840 img_6841 img_6842 img_6849 img_6854 img_6855 img_6856 img_6857 img_6861 img_6863 img_6866 img_6870 img_6875Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST