Wasiirka Waxbarashada Puntland oo tagay Carmo, Isku shuban iyo Ufayn

Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise iyo wafdi uu hogaaminayo oo kormeer Waxbarasho ku maraya Gobolada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay degmooyinka kala ah Carmo, Isku shuban iyo Ufayn oo ka tirsan Gobolka Bari.

Wasiirka Waxbarashada ayaa degmada Ufayn ka dhagax dhigay dugsiga waxbarshada dadka waaweyn iyo dugsiga hoose dhaxe oo la balaarinayo oo booska loo iibiyey, waxayna maamulka waxbarashada ee deegaanka ka wada hadleen xaaladaha waxbarashada iyo sidii howlaha waxbarashada ka socota loo dardar galinlahaa.

Wasiirka waxbarashada iyo wafdigiisu waxay kadib u gudbeen dhinaca degmada Iskushuban oo ah meeshii wasiirku ku dhashay, wuxuuna wasiirku ka dhagaystay bulshada deegaanka baahida waxbarashada ee halkaas ka jirta iyo kormeer indha indheyn ah oo uu ku sameeyay masahaariicda waxbarashada ka socota degmada Isku-shuban.

Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in socdaalkooda uu xooga ku saarayo kormeer lagu sameeyo waxbarashada ka socota deeganada fogfog ee ku yaala Gobolladda Puntland.

Daawo sawiradda

dsc00182 dsc00589 dsc00591 dsc00593 dsc00594 dsc00599 dsc00600 dsc00602 dsc00603 dsc00604 dsc00605 dsc00606 dsc00612 dsc00628 dsc00629 dsc00632 dsc00633 dsc00634 dsc00643 dsc00645 dsc00648 dsc00654 dsc00666 dsc00685 dsc00686 dsc00709 dsc00732 dsc00733 dsc00734 dsc00745 dsc00746 dsc00747 dsc00750 dsc00769 dsc00772 dsc00773 dsc00776 dsc00785 dsc00786 dsc00788 dsc00793 dsc00795 dsc00797 dsc00825 dsc00828 dsc00879 dsc00882 dsc00894 dsc00922 dsc01077 dsc01081 dsc01087 dsc01088 dsc01089 dsc01092 dsc01093Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST