Warkii ugu danbeeyey ee xaalada degmada Qandala ee Gobalka Bari

Qandala(Puntland Post)-Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobalka Bari ayaa sheegaaya in magaaladaas ay ka barakaceen Dadkii ugu badnaa ee ku noolaa, markii ay halkaas dib ugu soo laabatay kooxdii maalmo kahor magaalada la wareegtay.

ku dhawaad afar boqol oo qof oo isaga soo cararay degmada Qandala ayaa soo gaaray Magaalada Bosaaso iyo tuulooyinka  ka ag dhow Qandala, waxayna Dadkaasi sheegeen inay magaalada uga soo baxeen baqdin la xiriirta inay kooxda taabacsan Daacish ee la wareegtay Magaalada ay dhibaato u geysato ama dushooda lagu kor dagaalamo.

Kooxda ku sugan degmada Qandala ayaa bilowday inay isku diyaariso guluf collaadeed oo uga yimaada Ciidamada Puntland, waxayna hareeraha magaalada iyo buuraha ku teedsan ka qodanayaan dhufaysyo waaweyn oo ay ka dagaalami karaan hadii ay Ciidamadu soo weeraraan.

Tan iyo markii ay kooxdani la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Qandala waxaa degaanka dul heehaabayey diyaarado dagaal, sidoo kale waxaa xeebta Qandala kusoo dhawaaday Markab loo malaynaayo inuu kamid yahay Maraakiibta dagaalka ee ku sugan gacanka Cadmeed.

Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaan PMPF ayaa gaaray meel aan sidaa uga fogayn degaanka Qandala, mana jirto talaabo ay illaa iminka qaadeen.

Kooxdan taabacsan Daacish ee la wareegtay Qandala ayaa degaankaas u araka mid muhiim u ah hawl-galkooda maadama ay kulaalayso Badda Gacanka Cadmeed oo aan sidaas uga fogayn Dalka Yemen oo ay kooxaha xag-jirka ee ay fikir wadaaga yihiin siweyn uga hawl galaan.

Kooxdan ayey Dadka degaanku sheegeen inay wataan Illaa 4 gaari oo mid kamida uu qori saaran yahay, mana muuqato awood ahaan inay u babac dhigi karaan ciidamada Puntland waxayse ku sugan yihiin degaan buuralay ah oo ay adag tahay inuu gadiidku maro.

PUNTLAND POST