Dhismo cusub Guriga Gobolka Nugaal oo xariga laga jaray maanta

Garowe (Puntland Post):- Madaxwaynaha Dowlada Puntland  Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta xariga ka jaray dib u dhis maamulka Gobolka Nugaal uu ku sameeyay dhismaha guriga Gobolka ayuu ugu baaqay masuuliyiinta kale inay ku daydaan Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo uu sheegay Madaxweyne Cabwali Gaas inuu si weyn ugu bogaadinayo talaabada uu dib ugu dhisay Dhismaha xarunta maamulka Gobolka Nugaal oo Dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dhistay Garowe sanadkii 1972.

Xafladda jarig ka jarista xarunta cusub ee Gobolka Nugaal waxaa kazoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, Duqa magaalada Garowe , Maamulka Gobolka Nugaal iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Puntland.

Duqa Degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka xarunta maamulka Gobolka Nugaal, taas oo uu sheegay inuu leeyahay libinteeda Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne.

Cumar Cabdulaahi Farawayne Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa faahfaahin ka bixiyay taariikhda dhismaha guriga Gobolka Nugaal iyo Cidii ka saaciday dib u dhiska ay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay inay iska kaashadeen dhismaha xaruntan shacabka iyo maamulka Gobolka Nugaal , Islamarkaana qorshaha lagu dhisay uu ka duulayay hal ku dhigii Madaxweynaha Puntland ee ahaa “Iskaa wax u qabso”

xarig-jar-1 xarig-jar-2 xarig-jar

img_6663 img_6664 img_6665 img_6671 img_6672 img_6697   img_6709 img_6715 img_6731 img_6733 img_6735 img_6736 img_6737 img_6741 img_6748 img_6757 img_6765 img_6767 img_6768 img_6770 img_6772 img_6776 img_6778 img_6781 img_6782 img_6785 img_6796Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.