Garowe (Puntland Post):- Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta xariga ka jaray dib u dhis maamulka Gobolka Nugaal uu ku sameeyay dhismaha guriga Gobolka ayuu ugu baaqay masuuliyiinta kale inay ku daydaan Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo uu sheegay Madaxweyne Cabwali Gaas inuu si weyn ugu bogaadinayo talaabada uu dib ugu dhisay Dhismaha xarunta maamulka Gobolka Nugaal oo Dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dhistay Garowe sanadkii 1972.
Xafladda jarig ka jarista xarunta cusub ee Gobolka Nugaal waxaa kazoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, Duqa magaalada Garowe , Maamulka Gobolka Nugaal iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Puntland.
Duqa Degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin furitaanka xarunta maamulka Gobolka Nugaal, taas oo uu sheegay inuu leeyahay libinteeda Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne.
Cumar Cabdulaahi Farawayne Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa faahfaahin ka bixiyay taariikhda dhismaha guriga Gobolka Nugaal iyo Cidii ka saaciday dib u dhiska ay ku sameeyeen, wuxuuna sheegay inay iska kaashadeen dhismaha xaruntan shacabka iyo maamulka Gobolka Nugaal , Islamarkaana qorshaha lagu dhisay uu ka duulayay hal ku dhigii Madaxweynaha Puntland ee ahaa “Iskaa wax u qabso”

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.