Madaxweyne Gaas oo amaanay Waxqabadka Gudoomiyaha Gobolka Nugaal

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta xariga ka jaray dib u dhis uu ku sameeyay maamulka Gobolka Nugaal dhismaha guriga Gobolka ee ku yaala magaalada Garowe tan iyo waqtigii la aasaasay oo ahayd 1972-dii ayaa shahaado sharaf iyo bogaadin u jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo uu sheegay inuu waxqabad muuqda kusoo siyaasidayey Gobolka iyo Guud ahaan Puntland mudadii yareyd ee uu hayey Xilka.

Waxa uu xusay Madaxweynuhu in Gudoomiyaha Gobolka Nugaal uu Xarunta Gobolka ka siiyay Xildhibaanada,Qurbo-joogta,Nabadoonada,Haweenka iyo Dhalinyarada Xafiisyo ay ku shaqeeyaan .

Sidoo kale Cumar Cabdulaahi Farawayne Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa faahfaahin ka bixiyay taariikhda dhismaha guriga Gobolka Nugaal iyo Cidii ka saaciday inay ku sameeyaan dib u dhiska, wuxuuna sheegay inay iska kaashadeen dhismaha xaruntan shacabka iyo maamulka Gobolka, Islamarkaana uu ka dhashay qorshaha dib loogu dhisay hal ku dhigii Madaxweynaha Puntland ee ahaa “PUNTLAND HA ISKU TASHATO”.

Intaas kadib Gudoomiyaha Gobolka Nugaal waxa uu shahaado hawlkarnimo ah gudoonsiiyey Shaqaalaha Xafiiska Gobolka Nugaal.

Daawo muuqaalka.

Riix hoos si aad uga aragto sawirada iyo warbixinta xarig ka jarista Guriga Gobolka Nugaal

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.