Baarlamanka oo su,aalo weydiiyay Madaxweyne Gaas oo goor dhawayd ka dhoofay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta furay kalfadhiga 38aad ee baarlamanka ayaa lagu waydiiyay su,aalo adag oo isugu jira dhanka dhaqaalaha, Amaanka, Xuduudaha, Balanqaadyadii uu horey u sameeyay iyo Shirarka Dibadda.

Kalfadhigan oo ahaa midkii ugu adkaa oo Madaxweyne Gaas lagu waydiiyo su,aalo xasaasiya ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalo iyo abaaro ay ka jiraan dhulka Puntland taas oo ay sii dheer tahay hoos u dhaca dhaqaalaha oo uu sababay sarifka lacagaha qalaad oo kor u kacay.

Su,aalaha la weydiiyay Madaxweynaha waxaa ka mid ah safarada dibadda oo qaarkood Xildhibaanadu aad u dhaliileen, Waxaana uu isla maanta Madaxweyne Gaas u dhoofay magaalada Bosaso oo wararku sheegayaan inuu ku hakan doono caawa,halkaas oo la filayo inuu uga sii gudbo maalinta beri ah dalka Isu taga Imaaraadka Carabta

FG:- PUNTLAND POST goor dhow kala soco barnaamijka maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan su,aalaha Xildhibaanada iyo jawaabaha Madaxweynaha Puntland .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST