400-Oo Qoys Oo ka barakacay Dagmadda Qandala ee Gobolka Bari

Bosaso(Puntland Post) Ku dhawaad 400,oo qoys ayaa  ka barakacay Degmada Qandala oo ka tirsan Gobalka Bari kadib markii halkaasi ay la wareegen koox mintidiina oo ka tirsan islamiyiinta Daacish

Waxaana Halkaasi Ay gaarsiisay Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Puntland deeq Raashin ah oo isugu Jidha Cunno iyo Adeegyo kale.

Xisaabiyaha dagmada qandala Ee Wasaaradda Maaliyada Puntland Siciid Waabari Maxamed ayaa faah fahiyay Deeq dan ay garsiiyeen dadka ka soo barakacay  degmada Qandala oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo ka tirsan Puntland iyo kooxda Daacish.

Gudoomiyaha degmada qandala Jaamac Maxamed khuurshe  ayaa Sheegay in dadkaasi ay U badan yihiin  Qoysas Aan waxba Heysan islamarkaana ay ubaahanyihiin Gar-Gaar intaasi ka siibadan.

Gudoomiyaha Gobolka Bari. Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo Oo La hadlayay Saxaafadda ayaa Amaanay Dhamaan Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada Puntland  Oo Bilaabay gargarkii Ugu Horeeyay ee loo sameeyo Dadkii ka soo  barakacaya degmada Qandala ee Gobalka Bari.

Wasiir ku xigeenka wasaardda Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin ayaa sheegay in ay sii wadi doonan gargaarka loo fidinayo dadkaasi.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo barskacay damdada Qandala oo hada ku sugan Deegaanka Buruc Oo Hoostagta  Dagmadda Qandala  ayaa  sheegay in ay   Hoygoodi ay oga yimaadeen Cabsi Ay Ka qabaan Dagaalo Halkaasi ka Bilowday.

Qandala iyo Deegaano kale oo Ka Tirsan Gobolka Bari ee Somaliya ayaa lagu soo waramayaa iney Isku sii fidinayaan Islaamiyiintan ka Tirsan Kooxda Daacish waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan Puntland.

yuuuuu-4

yuuuuu-5

yuuuuu-5

yuuuuu-6

yuuuuu-7

yuuuuu-8yuuuuu-8

yuuuuu-11

yuuuuu-22

yuuuuu-23

yuuuuu-24

 

yuuuuu-24

yuuuuu-15yuuuuu-21yuuuuu-20

yuuuuu-24

yuuuuu-26

yuuuuu-27

yuuuuu-28