Madaxweyne Gaas oo Dhagaxdhigay Xarunt Madaxtooyada Carmo

Puntland Post –Madaxwayenaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagaxdhigay xarun cusub oo madaxtooyo oo ay yeelanayso degmada Carmo oo ka tirsan Gobalka Bari waxayna qab ka tahaya mashaariicda hormarineed ee degmadaasi laga hirgaliyeye.

Munaasabada dhagaxdhigan madaxtooyada Carmo ayaa waxa goob joog ka ahaa maamulka Gobalka Bari, kan degmada Carmo, masuuliyiin katirsan dawlada Puntland, iyo waxgardka degmada.

Madxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhagaxdhiga kadib waxa uu ambabaxay magaalada Garowe isagoona sii mari doona magaalada Qardho ee xarunta Gobalka kar kaar.

Dhanka kale Madaxweynah Puntland Dr Gaas ayaa xalay waxa uu kulamo la qaatay waxgardka degmad Carmo, iyo culimaa u Diinka iyagoona ka wada hadlay hormarka degmada iyo sida oo kale xaqiijinta amaanka guud ee Puntland.

Madaxweyne Gaas imaanshihiisa degmada Carmo ayaa salka ku hayeye hishiis dhexmari lahaa  Gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari  Cabdisamad Maxamed Galan oo hore maleeshiyeed beeled ugu haystay meel ku dhaw degmada Carmo oo ka tirsan Gobalka Bari iyo Dr Gaas .

Wali si rasmi ah looma shaacin hishiiska dhexmaray Madaxweynaha Puntland Cabdiwli Maxamed Cali Gaas iyo gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan.

Wixii faah faahin ah oo danbe la soco Puntland Post insha alaah

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST