Madaxweynaha Puntland oo Degmada Carmo Ka Dhagax Dhigay Guriga Martida, Kadibna u safray Gobolada Kar-kaar iyo Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo howlo shaqo u joogay Degmada Carmo oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Bari Degmada ayaa maanta
28 October, 2016 waxaa uu degmada Carmo ka dhagax dhigay guriga martida, gurigaas oo  noqonaya dhismihii ugu horeeyey ee ay Dawladda Puntland ka hirgeliso degmada Carmo, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhagax dhiga ka hor waxa uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ee xarunta akaadeemiyadda tababarada booliska Soomaaliyeed ee Carmo.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Carmo, odayaasha dhaqanka, ururrada dhalinyarada iyo haweenka ee degmada Carmo, culimaa’udiinka, aqoonyanka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Odayaasha dhaqanka ee degmada Carmo oo uu ugu horeeyo Beeldaaje Jaamac Beeldaaje ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin dhismihi ugu horeeyey oo kamid noqon doona hantida Dawladda in laga hir geliyo degmada Carmo, wuxuuna sheegay in bulshada Degmada Carmo ay ka qayb geli doonaan mashruuca dhismaha guriga martida ee Madaxweynaha Dawladda Puntland uu ka dhagax dhigay degmada Carmo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhiga aqalka martida ee degmada Carmo ayaa sheegay “Mashruuca dhismaha aqalka martida ee degmada Carmo oo noqonaya dhismihii ugu horeeyey oo kamid noqda hantida Dawladda wuxuu bilow fiican u yahay qorshayaasha horumarineed ee aan ugu tala galnay degmada carmo iyo degmooyinka kale ee Puntland, bulshada degmada Carmo waxaan ku adkaynayaa inay u diyaar garoobaan ka faa’iidaysiga masharuucan iyo mashaariic kale oo iman doona” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray ceel biyood laga qoday duleedka deegaanka Ceel-Duurle oo ka tirsan deegaanka Juurile oo kamid ah Gobolka Bari, waxaana mashruucani uu isaguna kamid noqonayaa mashaariicda dhinaca arrimaha bulshada iyo horumarka ee ay Dawladda Puntland ugu tala gashay bulshada, iyadoo ay ceelkan ka faa’iidaysan doonaan bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa ku dhaqan deegaanadaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa intaa kadib u gudbay Gobolada Karkaar iyo Nugaal, waxaana ugu horrayn si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intii uu joogay degmada Qardho waxa uu hirgeliyay mashaariic hor leh oo salka ku haya dhinaca hormarka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo xariga ka jaray wado cusub oo laami ah dhererkeeduna yahay  1.400m (Kun iyo Afar Boqol oo Mitir) waxayna noqonaysaa wadadii 10-aad ee xukuumaddiisu ka fulisay degmada Qadho, sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland waxa uu degmada Qardho ka dhagax dhigay wado kale oo laami ah taasi oo dhererkeedu yahay 1.200m (Kun iyo Laba Boqol oo Mitir), waxayna noqon doontaa wadadii 11-aad ee laga dhagax degmada Qardho tan iyo markii uu Madaxweynuhu xilka la wareegay 08 January,2014, iyadoo mashaariicdan ay qayb ka yihiin qorshayaasha horumrineed ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu qorsheeyey in laga hirgeliyo deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa usii gudbey Gobolka Nugaal iyadoo maamulka iyo dadweynaha degmada Dan-gorayo ay ku soo dhoweyeen Madaxweynaha iyo wafdigiisa degmadaas, intaa kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland waxa uu kulan la qaatay cuqaasha iyo waxgaradka degmada Dan-gorayo iyagoo Madaxweynaha uga xog waramay xaaladaha guud ee degmadaas.

Duleedka caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Puntland ee Garoowe, wuxuuna Madaxweynaha Dawladda Puntland si guud u salaamay dhamaan dadweynihii Garoowe kusoo dhoweeyey, isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen soo dhoweynta isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ee kasoo kicitamay Gobolada Kar-kaar iyo Bari.


–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_1332 img_1335 img_1337 img_1338 img_1342 img_1346 img_1347 img_1352 img_1357 img_1362 img_1369 img_1388 img_1397 img_1399 img_1401 img_1404 img_1406 img_1412 img_1418 img_1420 img_1422 img_1423 img_1427 img_1430 img_1443 img_1445 img_1447 img_1450 img_1453 img_1460 img_1468 img_1476 img_1478 img_1479 img_1486 img_1488 img_1503 img_1506 img_1511 img_1512 img_1516 img_1524 img_1527 img_1533 img_1535 img_1536 img_1540 img_1542 img_1550 img_1552 img_1562 img_1564 img_1573 img_1581 img_1593 img_1609 img_1615 img_1621 img_1637 img_1656 img_1658 img_1660 img_1665 img_1667 img_1670 img_1673 img_1679 img_1698 img_1703 img_1711 img_1714 img_1716 img_1717 img_1720 img_1721 img_1727 img_1736 img_1749 img_1757 img_1760 img_1761 img_1763 img_1766 img_1774 img_1775 img_1787 img_1799 img_1828 img_1849 img_1857 img_1858 img_1863 img_1865 img_1870 img_1878 img_1895 img_1909 img_1927 img_1929 img_1939 img_1945 img_1947 img_1953 img_1954 img_1957 img_1971 img_1979 img_1982 img_1984 img_1995 img_2007 img_2022 img_2037 img_2051 img_2062 img_2080 img_2086 img_2100 img_2105 img_2110 img_2111 img_2115 img_2125 img_2131 img_2135 img_2139 img_2141 img_2144 img_2153 img_2155 img_2157 img_2163 img_2166 img_2168 img_2170 img_2174 img_2189 img_2192 img_2197 img_2200 img_2203 img_2204 img_2207 img_2215 img_2220 img_2223 img_2232 img_2235 img_2241 img_2275 img_2293 img_2300 img_2324 img_2333 img_2345 img_2350 img_2364 img_2368 img_2372 img_2386 img_2392 img_2400 img_2415 img_2430 img_2442

 

img_1331