Yaa ku haya gacanta Degmada Qandala ee Gobolka Bari ?

Qandala (Puntland Post):- Ka dib xiriiro kala duwan oo warbaahinta PUNTLAND POST la samaysay bulshada deegaanka degmada Qandala ee Gobolka Bari, Saraakiil ka tirsan ciidanka iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bari waxay si isku mid ah u xaqiijiyeen ka bixitaanka galinkii danbe ee shalay Qandala koox sheegatay inay ka tirsan tahay ururka Daacish .

Kooxda ka tirsan Daacish ayaa ku baahiyay baraha Internatka film muuqaal kooban ah oo ay iska soo duubeen markii ay galinkii horre ee shalay tageen Degmada Qandala, waxayna dad badan ku macneeyeen muuqaalkaas inuu la xiriiro fariin ujeedadeedu tahay  sidii uu taageero iyo dhaqaale uu uga heli lahaa hogaamiyaasha xagjiriinta ee caalamka Kooxda uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumin oo sanadihii u danbeeyay ku dhuumalaysanayay saldhigyo aan la ogayn oo ku yaala buuraha Gobolka Bari ee Puntland.

Inkastoo la aaminsan yahay inaysan tababar badan lahayn kooxda uu hogaaminayo wadaadka horey uga tirsanaa Ururka Alshabab ee magaceeda la yiraahdo Daacish ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay ka baxeen galinkii danbe ee shalay ka dib markii ay saacado kooban ku sugnaayeen degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Dhinaca kale Wariyaha uga soo warama Bosaso Laanta Afka Soomaaliga ee VOA Faadumo Yaasiin ayaa galabta ku sheegtay warbixin laga sii daayay idaacadda inay wali ku sugan yihiin Degmada Qandala Kooxda Daacish ee uu hogaaminayo Cabdulqaadir Muumin, Wuxuuna shaki badan ku dhaliyay qeybaha warbaahinta Somalida run ahaanshaha cidda gacanta ku haysa Qandala iyo Jiritaanka inay wali ku sugan yihiin Kooxdii la sheegay inay galinkii danbe ee shalay ka baxeen.!!

Haddaba PUNTLAND POST oo caawa ilaa galinkii danbe ee maanta xiriiro kala duwan la samaysay deegaanka Qandala oo si toos ah ay uga shaqeynayso isgaarsiintu waxa naloo xaqiijiyay ka bixitaanka kooxdaasi galinkii danbe ee shalay, Islamarkaana aanu ahayn war sugan warbixinta galabta laga sii daayay Idaacadda codka mareykanka ee VOA

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST