Mudaharaad ka dhan ah Xasan Sheekh oo maanta ka dhacay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Boqolaal Qof oo ka careysan colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo oo ay ku eedeynayaan Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha barxadda oo ay caanka ku tahay magaalada Garowe .

Banaanbaxayaasha ayaa dab qabadsiiyay ma sawirka Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ku qeylinayeen Ereyo lid ku ah Xasan Sheekh kuwaas oo aanu ka xusi karno “ Dooni mayno dagaal ooge, Dooni mayno Qabyaaliiste, iyo Ereyo kale oo ay dadku ku muujinayaan dareenkooda”.

Banaanbaxayaasha saaka isugu soo baxay fagaaraha barxadda Garowe ayaa baaq ugu diray guud ahaanba ummadda reer Puntland , Kaas oo ku aadan u istaagida difaaca Puntland , waxayna soo hadal qaadeen qabsashadii shalay kooxdii sheegatay inay ka tirsan yihiin Ururka Argagixisada ah ee DAACISH Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari  inkastoo ay isaga baxeen markii danbe.

“ Puntland waxay leedahay cadow badan oo kazoo horjeeda jiritaankeeda iyo nabadeeda, Aan gacmaha is qabsano, Aan u midowno cadowgeena iyo kuwa dhibaatada ku ah, Midnimadeena, Nabadeena iyo Horumarkeena “ ayaa ka mid ahaa kalmadaha kazoo baxayay banaan baxayaasha afkooda.

Maamulka Degmada iyo Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa ka qeyb galay banaan baxa maanta ka dhacay magaalada Garowe, wuxuuna sheegay Cumar Faraweyne inaysan jireyn cid Puntland ka aadeysa Muqdisho ilaa iyo inta Dowlada Federalku saxayso khaladaadkeeda.

Goor kala soco muuqaal PUNTLAND POST ka diyaarisay sida uu u qabsoomay banaanbixii maanta Garowe .

img_6570 img_6573 img_6576 img_6588 img_6591 img_6592 img_6596 img_6597 img_6599 img_6600 img_6601 img_6602 img_6604 img_6606 img_6608 img_6609 img_6611 img_6613 img_6614 img_6618 img_6619 img_6621 img_6625 img_6631 img_6633 img_6634 img_6635 img_6641 img_6642Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.