Madaxweyne Gaas iyo Gudoomiye Gallan Oo Goor dhaw ku Heshiinaya Carmo

Carmo-(Puntland Post)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hada ku sugan  degmada Carmo ee gobolka Bari waxana lagu wadaa in ay halkaasi hishiis kuwada galaan Gudoomiyihii hore ee gobalka Bari. Cabdisamad Maxamed Galan oo hore xiisad siyaasadeed ay U kala dhaxeysay.

Khilaafka labada dhinac ayaa ka so bilowday xil ka qaadis lagu sameeyay Galan horaantii sanadkan ,taasi oo keentay in ciidamo uu hogaaminayo ay saldhigyo ka samaystaan goobo ku dhow dhow degmada Carmo oo ka tirsan gobalka bari.

Heshiiskan ayaa waxa goob jog ka ah waxgardka gobalka Bari,Culima udiin , iyo masuuliyiin katirsan Puntland iyo kuwo xilal hore ka soo qabtay.

Waxana hada si rasmi ah uga socta degmada Carmo oo ka tirsan gobalka Bari qaban qabaada hishiiska Madaxwayne Gaas iyo Gudoomiyihii hore ee gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan.

Lasoco Qaabka uu Hishiisku u dhacayo Puntland Post Insha alaah.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST..