War been abuur ah oo laga faafiyay Musharax Faroole

Garowe (Puntland Post):- Madaxweynihii horre ee Dowlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa been abuur ku tilmaamay warar maalmo ka hor lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha internetka Soomaalida iyo Kuwa bulshadu ku wada xiriirto oo ahaa inuu ka hadlay xaalada magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu sheegay inuu baaq ugu diray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud inuu door ka qaato nabadeynta Gaalkacyo.

Sida la wada ogyahay Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 10 Setemper 2016 ku dhawaaqay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhamaaday waqtigii loo asteeyay , Waxaana kazoo wareegtay maalintan uu hadalkan sheegay Dr Faroole xilli ay ku ekayd mudada xil haynta sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynihii horre ee Puntland oo la hadlay PUNTLAND POST  ayaa yiri “Horaa uga hadlay arrinta Gaalkacyo, Waxaana jeclahay inay nabad noqoto iyo guud ahaanba Soomaaliya, balse waa waxba kama jiraan warar lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta Online-ka oo lagu sheegay inaan baaq u diray Xasan Sheekh Maxamuud oo aan anigu aaminsanahay inay dhamaatay mudadii xil hayntiisu, Ummada Soomaaliyeedna way ogtahay, Horeyna waan ugu sheegnay” Ayuu yiri Dr Faroole.

Daawo Shirkii Jaraa,iid 10 bishii 9aad 2016 ee Dr Faroole.

Hadalka ay xigteen qaar ka mid ah Websityadda Soomaalida oo lagu sheegay inuu Dr Faroole ka hadlay dagaalka Gaalkacyo ayaa laga soo jaray khudbad uu kaga hadlay 30-kii November 2015 xiisad xilligaas ka taagnayd Gaalkacyo oo uu mar sii horeysay baaq ugu diray Masuuliyiinta Dowlada Federalka oo uu ugu horeeyo Xasan Sheekh Maxamuud

Haddaba Riix link-yadda hoos ku qoran si aad u aragto wararka been abuurka ee maalmo ka hor uu sheegay Dr Cabdiraxmaan Faroole inay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Internetka ee Soomaalida.

Riix been abuurka la qoray.

2 Riix Been abuur kale

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST