Kooxdii qabsatay magaalada Qandala oo ka baxday iyo diyaarado dul heehaabaaya degaankaas

Cabdulqaadir Muumin oo hogaamiyaha kooxda qabsatay Qandala
Cabdulqaadir Muumin oo ah hogaamiyaha kooxda qabsatay Qandala

Qandala(Puntland Post)-Sida uu warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyey goob jooge ka gaabsaday in magaciisa la xigto oo ku sugan degmada Qandala ee Gobalka Bari casar liiqii galabta ayey isaga baxday kooxdii maanta la wareegtay gacan ku haynta degmada Qandala.

Kooxdan oo katirsan Daacish ayuu goob joogahaasi sheegay inay ku baxeen tog aan sidaas Magaalada uga fogayn, waxayna bixitaankodan ay timi markii magaalada laga dareemay diyaarado dul heehaabaya, kuwaas oo loo malaynaayo inay kasoo kaceen maraakiibta dagaalka ee ku sugan gacanka cadmeed.

Sidoo kale Dawlada Puntland ayaa degmada Qandala u dirtay Ciidamo xoogan oo ku baxay dhanka badda iyo dhulkaba, lamana oga talaabada ay ciidamadaasi qaadi doonaan, walow degaanada kooxdaas lagu soo sheegay uu yahay dhul buuralay ah.

Raga qabsaday maanta degmada Qandala ayaa lagu qiyaasay 50 ruux oo ku hubaysan qoryaha gacmaha iyo garbaha lagu qaato, mana jirto cid ay wax yeelo ugu geysteen magaalada, walow ay mudo kooban xanibeen kaluumaysigii degaanka kasocday ayna markii danbe dib u fasaxeen kulan ay la qaateen odayaasha magaalada kadib.

In badan oo kamida dadkii Magaaladaas ku noolaa ayaa isaga baxay markii kooxdan soo gaartay, waxaana kooxdaas hogaaminaaya nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo haysta Baasaboor Ingiriisa, horayna uga tirsanaa Al-shabaabta buuraha Galgala balse sanadkii hore sheegay inuu u xuubsiibtay kooxda Daacish.

PUNTLAND POST