Kooxda Daacish oo la wareegtay degmada Qandala ee Gobalka Bari

Qandala(Puntland Post)-Sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen illo madax banaan oo ku sugan degmada Qandala ee Gobalka Bari, waxaa halkaas gaaray maleeshiyaad uu hogaaminaayo nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo waayadii danbaba maleeshiyaad tira yar oo taageersan kooxda isku magacowday Dawlada Islaamka ku haystay buuralayda Gobalka Bari.

Mid kamida dadka degaanka Qandala oo la hadlay Puntland Post ayaa sheegay inay xalay halkaas soo gaareen maleeshiyaad wata calan madow oo ku dhow boqol askari, ayna dadka degaanka u sheegeen inay la wareegeen Maamulkii degmada qadiimiga ee Qandala.

Dawlada Puntland illaa iminka wax war kama soo saarin arimahan kasoo cusboonaaday degmada Qandala, masuuliyiin katirsan xukuumada oo aan telefoonka kula hadalnayna waa ka gaabsadeen inay arimahan faah-faahin dheeriya ka bixiyaan.

Degmada Qandala oo ah magaalo taariikh fog ayaa ku taal gacanka Cadmeed, waxaana meelo aan sidaa uga fogayn ku sugan maraakiibta dagaalka NATO iyo wadamo kale, lamana oga talaabada ay qaadi doonaan ciidamada Dawlada Puntland iyo Kuwa reer Galbeedka ee xeebahaas ku sugan.

PUNTLAND POST