Jubbaland oo Sheegtay iney ka Qeyb Qaadaneyso Joojinta Dagaalka Gaalkacyo

Madaxweyne Ku Xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland C/qaadir Luga dheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay sameeyeen wax laga xumaado.

Waxa uu sheegay in dagaalka ka soconayo Gaalkacyo uu yahay mid Siyaadeysan isla markaana ay ka xun yihiin.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka , islamarkaana ay u istaagaan xalinta dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale waxa uu cod dheer ku sheegay in ay ka maamul ahaan ay ka qab qaadanayaan sidii loo joojin lahaa colaada gaalkacyo.

HOOS KA DHAGAYSO CODKA MADAXWAYNE KU XIGEENKA JUBBLAND

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST