Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Kambaala University Oo hishiis Wada Galay.

BOOSASO(Puntland Post):-Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Kambaala (Kampala University and East Africa University), ayaa heshiis uu ku dhexmaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ka dib Munaasabad ka dhacday xarunta Jaamacadda

Munaasabada lagu kala saxiixday heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Maamulka Jaamacadda Bariga AFrika iyo Mas’uuliyiin ka socday Jaamacadda Kambaala, waxaana heshiiska dhexmaray labada Jaamacadood oo ugu dambayn la kala saxiixday uu soo socday illaa sanadkii 2015-ka.

Guddoomiyaha Jaaamacadda Bariga Afrika Aadan Sheekh Doon Cali oo ka hadlay Munaasabada, ayaa sheegay in labada Jaamacadood ay iska kaashan doonaan wax badan, isla markaana uu heshiisku soo kordhin doono in labada Jaamacadood ay wax badan wadaagan.

”Waxaa farxad wayn noo ah innaan maanta halkan ku kala saxiixano Iskaashi ka dhexeeya labada Jaamacadood ee kala ah Bariga Afrika iyo Jaamacadda Kambaala, labadaas Jaamacadood oo iska kaaashanaya Sayniska, arrimaha Jaamacadda iyo Isweydaarsiga Maclumaadka guud ee labada Jaamacadood iyo meel kasta oo ay labada Jaamacadood ka wadaagan dano isku mid ah” Ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Wuxuu intaas ku daray”…..Waxaan isweydaarsanaynaa Cilmi baarists, Ardayda iyo Casharada, barnaamijyada aan isla garanay waxaa ka mid ah in Ardaygu uu sii wato Aqoonta Mater Degree-ga, Computer Science, Mass communication iyo in aan kor u qaadno xagga luuqada Ingiriiska ah oo aan samayno xarun xagga luuqada ah, waxaan u mahadcelinayaa labada Prof. ee naso booqday”

Madaxda Diiwangelinta Jaamacada Kampaala Prof. Xamsa oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska dhexmaray labada Jaamacadood.

”Waxaan hormarin doona xiriirkeena, waxaan kor u qaadi doona hormarinta luuqada iyo Cilmi barista, aad bay noo dhiiri gelinaysaa arrintan’’

Hishiiskan ay wada gaaren jaamacadda bariga afrika iyo jaamacadda Kampala University aya noqonaya hishiis taariikhi ah waxana uu wax badan u fududan doona Ardayada rabta in ay wax ka dhigato jaamacadda Kampaala.

dsc03406 1 2 3 4 5 6 7 8 dsc03406 dsc03407 dsc03408 dsc03409 dsc03410 dsc03411

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST