Gallan oo billo uu dibad wareeg ahaa kadib heshiis la gaaraaya Gaas

Diyaar garowgii ugu xooganaa ayaa ka socda degmada Carmo ee Gobalka Bari, kaas oo loogu diyaar garoobaayo heshiis la filaayo in degaankaas uu ku dhex maro Gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari C/samad Maxamed Gallan oo mudo billo ah falaago hubaysan oo mucaarad ku ah Dawlada ku urursanaayey degaanada Bariga fog ee Puntland.

Waa kuma C/samad Maxamed Gallan?

C/samad Maxamed Gallan kahor siyaasada wuxuu ahaa wadaad imaam ka ah, khudbadaha jimcahana ka akhriya masajida Magaalada Bosaaso iyo macalin wax ka dhiga iskoolada magaaladaas, sidoo kale wuxuu kamid ahaa asaasayaasha iyo maamulaha mid kamida Iskoolada Bosaaso iminka ugu caansan.

Madaxweynihii hore ee Dawlada Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa bishii July 2011 u magacaabay Gudoomiyaha Goabalka Bari, xiliyadaas oo ay falal amaan daro ka jireen Magaalada maadama Dawladu dagaal adag kula jirtey kooxda Al-shabaab ee buuraha Galgala oo aan sidaas uga fogayn Bosaaso.

Waxaa lagu amaanaa C/samad Gallan inuu ahaa hogaan adag oo si wanaagsan u maareeyey maamulka Gobalka mudadii uu xilka hayey, si gabasho la’aanana  awaamiirta Dawlada uga fulin jirey gobalka uu gudoomiyaha ka yahay.

Sidee ku bilowday khilaafka u dhexeeya Dawlada Puntland iyo C/samad Gallan?

Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Gaas ayaa 27-kii May,2015 xilkii ay hayeen wareegto kaga qaaday Gudoomiye C/samad Gallan iyo duqii hore ee Bosaaso Xassan Cabdalla Xassan, wuxuuna kursigii Gallan ku badelay Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo iminka ah Gudoomiyaha Gobalka Bari .

Intaa kadib Mudane Gallan ayaa safaro kala duwan ku maraayey dalalka geeska Afrika sida Dalalka Uganda iyo Kenya, wuxuu sidoo kale mudo ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, halkaas oo uu kulamo kula qaatay madaxda ugu saraysa Dawlada Federaalka oo uu kamid yahay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuuse ugu dambayn  kusoo laabtay Bosaaso, wuxuuna bilaabay kulamo siyaasadeed oo uu la qaadanaayo Beelaha iyo dhalinyarada dega Gobalka Bari, wuxuuna bilaabay hadalo uu ku dhalilaayo siyaasada Madaxweyne Gaas iyo xaquuqda awood qaybsi ee ay beelaha dega Gobalka Bari ku leeyihiin xukuumada Puntland.

Mudaharaadyo rabshado wata oo la tuhmaayey inuu gadaal ka taagan yahay C/samad Gallan ayaa ka dhacay Magaalada Bosaaso, ugu dambayna ciidamo katirsan kuwa Dawlada Puntland ayaa isku dayey inay guri uu deganaa ku qabtaan Mudane Gallan, xiligaas oo uu Madaxweyne Gaas ku sugnaa Magaalada hase ahaate Gallan ayaa ka baxsaday gurigaas, isagoo aaday degaanada Bariga fog halkaas oo uu ka bilaabay inuu ku urursado Maleeshiyaad ay isku hayb yihiin si uu ugaga hor yimaado Dawlada.

Heshiiska Gallan iyo Gaas

Culimadda Puntland iyo wax garad u badan beesha uu kasoo jeedo C/samad Maxamed Gallan ayaa billaabay dhex-dexaadin ay ka dhex samaynayaan Madaxda Dawlada Puntland iyo hogaamiyaha falaagada ah, dhex-dhexaadinta xoogeeda ayaa bilaabatay horaantii sanadkan oo maleeshiyaad hubaysan oo uu hogaaminaayo Gallan ay soo gaareen degmada Carmo oo ku taala wadada laamiga ee xiriirisa Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, markaas oo laga baqay dagaal ka qarxa degaanka.

Odayaal u badan cuqaal oo kasoo jeeda beesha Gallan ayaa ugu dambayn ku guulaystay inay isasoo hor fariisiyaan Madaxweyne Gaas iyo C/samad Gallan, waxaana la filayaa in maalinka Berri ah oo bisha October 27 tahay uu kulan balaaran oo ay dib ugu heshiinayaan Dawlada Madaxweyne Gaas iyo C/samad Gallan uu ka dhici doono Magaalada Carmo.

Gabagabadii heshiiskan cusub ayaa soo afjaraaya khiaafkii u dhexeeyey falaagada C/samad Gallan iyo xukuumada Madaxweyne Gaas, waxaana lagu wadaa in ciidamada Dawlada Puntland lagu qarameeyo maleeshiyaadka uu wato C/samad Maxamed Gallan.

PUNTLAND POST