Dowlada Puntland oo ciidan u dirtay degmada Qandala

Bosaso (Puntland Post):- Ka dib markii subaxnimadii horre ee maanta ay tageen Degmada Qandala oo ka tirsan gobolka Bari ku dhawaad 50 maleeshiyo oo ka tirsan Ururka Daacish ayaa wararka halkaas kasoo baxaya sheegaan in dowlada Puntland u dirtay ciidan.

Wararka ayaa sheegaya inuu watay maleeshiyadda Daacish ee tagay Degmada Qandala horjoogihii hore ee Alshabaab u qaabilsanaa buuraha Galgala Cabdulqaadir Muumin, Kaas oo dhowrkii sano ee u danbeeyey ku dhuumaalaysanayay saldhigyo ku yaala buuraha silsilada Golis ee Gobolka Bari.

Cabdulqaadir Muumin ayaa sanadkii horre ku dhawaaqay inuu isaga baxay Alshabaab, Islamarkaana uu ku biiray ururka kale ee daacish,waxaana uu haystaa dhalashada dalka Ingiriiska

Cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland oo saldhigoodu yahay magaalada Bosaso ayaa ku baxay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Ciidankan Dowlada Puntland u dirtay degmada Qandala ayaa warar hoose sheegayaan inay isugu jiraan ciidamo wata gadiidka dagaalka iyo doonyaha kuwaas oo qorshuhu yahay inay dhinaca badda iyo berigaba ka wajahaan Qandala .

Dhinaca kale Wararkii ugu danbeeyay oo Puntland Post helayso ayaa sheegaya inay  dib ugu laabteen fariisimihii ay markii horre ku dhuumanayeen oo aanan xogo badan laga hayn kooxdii timid Degmadaa Qandala subaxnimadii horre ee Maanta

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST